Monday, September 16, 2024

Asmara oo martigelineysa kulan looga hadlayo horumarka Geeska Afrika

Asmara (Dawan)- Magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea waxaa maanta ka furmay kulan looga hadlayo Cadaaladda, Horumarka iyo Siyaasadda Geeska Afrika, kaas oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Cadaaladda ee dalkaas.

Arrimaha ugu muhiimsan ee diiradda lagu saarayo kulankan waxaa ka mid ah; hardkanka dowladaha waawayn iyo saameynta uu ku leeyahay Gobolka, Sooyaalka iyo Juqraafiga Geeska Afrika iyo sidoo kale dhisidda isfaham guud oo ku saabsan wada-shaqeynta iyo isla jaan qaadidaa iyada oo la iswaydaarsanayo waaya aragnimada kala duwan.

Isdhexgalka Afrika, iyada oo laga fogaanayo faragelinta shisheeyaha ayaan ka marnayn qodobada laga hadlayo sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Yemane G. Meskel.

Kulankan waxaa goob joog ka ah khubaro iyo cilmi baarayaal ka kala socda Eretria, Senegal, Itoobiya, Talyaaniga, Lubnaan, Belgium, Faransiiska iyo Nicaragua.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here