Monday, September 16, 2024

Atalanta oo markii ugu horeysay ku guuleysatay Europe League

Dublin (Dawan)- Xiddiga u dhashay dalka Nigeria Ademola Lookman ayaa dhaliyay 3 gool (hat-trick), isagoo ku hogaamiyay kooxdiisa Talyaaniga ee Atalanta inay ku guuleysato koobka Europe League markii ugu horeysay taariikhda.

Guusha Atalanta ayaa sidoo kale soo afjartay rikoorka guuldaro la’aanta ee kooxda Jarmalka ee Bayer Leverkusen.

Kooxda Atalanta ayaa 3-0 ku garaacday kooxda Bayer Leverkusen Arbacadii ciyaartii ugu dambaysay ee tartanka koobka Europe League ee ka dhacday garoonka Aviva Stadium ee caasimadda Ireland ee Dublin.

Ademola Lookman ayaa noqday ciyaariyahankii ugu horeeyay ee sadeex gool ka dhaliya ciyaarta finalka ee koobka Europe League

Kooxda Atalanta ayaa u muuqatay kooxda ku awoodda badan ciyaarta, iyada oo awood u yeelatay in ay maamusho qaab ciyaareedka ciyaartooyda Leverkusen kuwaas oo xalay awoodi waaayay in ay muujiyaan heerkoodii caadiga ahaa ee lagu bartay sannadkaan.

Guul darrada ay la kulantay kooxda Leverkusen ayaa ka dhigan in ay soo gabagaboowday 51 kulan oo ah guul xiriir ah maka la eego dhammaan tartamada ay sannadkan ka qaybqaadatay.

Koobakn ayaa u ah kooxda Atalanta, koobki labaad oo ay qaaddo taariikdeeda, iyada oo hore ugu guuleysatay koobkii Talyaaniga 1963-dii.

Guushan ayaa sidoo kale soo celisay farxadda taageerayaasha kooxda oo niyad jab kala kulmay guul darradii kasoo gaartay kooxda Juventus isbuuci hore markii laga qaaday koobka Talyaaniga.

Kooxda Atalanta ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee Talyaani ah ee ku guulaysata koobka Europe League kadib markii laga bedelay magacii hore, waxeyna la ciyaari doonta bisha August ee soo socota kooxda kusoo guuleysata Champions Leaque.

Kooxaha Real Madrid iyo Borussia Dortmund ayaa garoonka Wembley Stadium ee magaalada London ku ciyaari doona finalka Champions Leaque 1-da bisha June ee soo socota.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here