Friday, October 18, 2024

ATMIS oo $9.15 million ka heshay Ingiriiska si loo xoojiyo xasiloonida Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday deeq dhan $9.15 million oo loo qoondeeyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), taasoo lagu xoojinayo amniga iyo dadaallada nabadgelyo ee ka socda dalka Soomaaliya. Deeqdan cusub ayaa kor u qaaday taageerada maaliyadeed ee Ingiriiska ee ATMIS iyo AMISOM tan iyo 2021, taasoo gaartay $93.94 million.

ATMIS ayaa door muhiim ah ka ciyaarta sugidda amniga Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta magaalooyinka waaweyn, waddooyinka sahayda, iyo kaabayaasha. Sidoo kale, waxay ka caawisaa Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) howlgalada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab .

ATMIS  waxay sidoo kale ka qayb qaadataa sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed, fududeynta gargaarka bini’aadantinimada iyo ilaalinta habraacyada siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan doorashooyinka.

Deeqda cusub ee Ingiriiska ayaa si gaar ah diiradda u saari doonta bixinta gunnooyinka ciidamada ka socda shanta waddan ee ku deeqay ciidamada ATMIS (Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, iyo Uganda), iyadoo la taageerayo qorshaha ATMIS ee wareejinta masuuliyadda amniga Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa sheegay in taageerada ATMIS aysan ahayn oo kaliya maalgelinta amniga hadda, balse ay tahay maalgashi ku saabsan mustaqbalka xasilloonida iyo barwaaqada Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdikaadir Maxamed Nuur, ayaa soo dhaweeyay taageerada UK, isagoo ku tilmaamay mid muhiim u ah dadaallada socda ee dib loogu dhisayo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Deeqdan cusub ayaa muujinaysa go’aanka joogtada ah ee Boqortooyada Ingiriiska ee ku aaddan taageeridda amniga Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ku baaqday in dalalka kale ay raacaan tusaalaha Ingiriiska si loo xaqiijiyo mustaqbal nabdoon oo waara oo Soomaaliyeed.

Deeqdan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (2748) ee la meel mariyay 16-kii Agoosto 2024, uu ogolaaday in Wadamada Midowga Afrika in ay sii wadaan howlahooda  ilaa dhammaadka 2024, si ay u taageeraan ATMIS.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here