Thursday, September 19, 2024

ATMIS oo baareysa dhacdadii Buulo Mareer ee lagu dilay dad rayid ah

Muqdisho (Dawan)- Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaca ka qaaday in la bilaabay baaritaan dhab ah oo ku saabsan dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay Buulo Mareer 17-kii July 2024.

ATMIS oo ka jawaabeysa eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ciidamadeedu dileen dad shacabka ah ayaa ballan qaaday inay sameyn doonto baaritaan ballaaran, ayna soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxda baaritaanka marka la soo gabagabeeyo.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen, waxaana u rajaynaynaa adkaysi badan xilligan adag” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS , iyada oo intaas lagu daray in Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay go’an tahay ilaalinta nolosha rayidka ah.

“Ciidamada ATMIS waxaa loo tababaray inay si adag ugu hoggaansamaan Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, Heerarka Xuquuqul Insaanka, iyo Shuruucda Hawlgelinta ee lagu maamulayo hawlgallada militari, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta rayidka iyo carruurta”. ayaa la raaciyay, qoraalka kasoo baxay ATMIS

ATMIS waxay hoosta ka xariiqday sida ay ugu heellan tahay hufnaanta iyo isla xisaabtanka dhammaan hawlaheeda, waxayna ballan qaaday in lasoo baddhigi doono natiijadii kasoo baxday baaritaanka.

Ciidamada Uganda ee hoos taga Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay dileen saddex qof oo ahaa Beeraley kuna noola deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo qiyaastii 120 KM dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Muqdisho.

Ehellada dadka la dilay iyo dadwayne kale oo ka careysan falka ay gaysteen ciidamada ATMIS ayaa bannaan baxyo ka dhigay Buula Mareer iyo magaalada Muqdisho, iyaga oo codsaday in caddaaladda la hor keeno dambiilayaasha.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamo ka tirsan ATMIS ay dilaan dad shacab ah, inkasta oo ay sameeyaan baaritaano la xiriira falalka ka dhanka ah dadka rayidka ee ay ku kacaan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here