Friday, October 18, 2024

ATMIS oo saldhigga Kudhaa ku wareejisay ciidamda dowladda

Kismayo (Dawan)- Ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa saldhigga Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ku wareejiyay ciidamada dowladda, taas oo qayb ka ah wajiga seddexaad ee dhimista ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

“ATMIS ayaa si rasmi ah ugu wareejisay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan Kismaayo saldhigga Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo ka dhigan guul wayn oo laga gaaray wajiga saddexaad ee dhimista ciidamada” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay ATMIS.

Injineerka Guud ee Milatariga ATMIS, Gaashaanle Sare Suleiman Ibrahim ayaa ku ammaanay ciidanka Kenya sida ay uga qayb qaateen daciifinta awoodda Al-Shabaab, una horumariyeen nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Gaashaanle Sakariye Maxamed Cumar oo ka socday Waaxda Qorshaynta Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa tilmaamay in guutada la wareegtay saldhigga Kudhaa ay ku dadaali doonto ilaalinta shacabka.

Ciidmadama Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya ka baxaan dhammaadka sannadka 2024-ka, iyaga oo mas’uuliyadda amniga ku wareejiyay Ciidamada Amniga Soomaaliya sida Xarumaha Madaxtooyada iyo Saldhigyo kale.

Waxaa munaasabadda wareejinta saldhigga ka qaybgalay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Qaramada Midoobay iyo ATMIS, sida Wakiilka UNSOS u qaabbilsan Qorshaha Kala-guurka, Santosh Koka, Taliyaha Qaybta labaad, Sarreeye Guuto Seyf Saalim Rashid, Ku Xigeenka Taliyaha Qaybta, Gaashaanle Sare Meshack Kishoyian, Madaxa Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Gaarka ah ee ATMIS, Sekou Trawally iyo mas’uuliyiin kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here