Muqdisho (Dawan)- Tan iyo maalinti ay wada saxiixdeen Dowlada Itoobiya iyo Somaliland heshiis af-grad ah oo u ogolaanaya Itoobiya in ay hesho Deked ay u siticaamsho saldhig ciidan iyo ganacsi, waxaa Gobolka ka billaawday xiisad xoogan iyo khilaaf diblomaasiyadeed.
Go’aanka Soomaaliya: Laguma soo xad gdubi karo qaranimadeena
Hay’adaha Soomaaliya ee Fulinta iyo Sharci dejinta ayaa ka hor yimid heshiiska waxa ayna ku tilmaameen wax ba kama jiraan aan ku dhisneyn sharciyad.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay qaraar ka kooban sagaal qodob, iyada oo caddeysay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland yahay mid sharci darro ah oo aan waxba ka jirin.
Soomaaliya ayaa ficilka Itoobiya u aqoonsantahay inuu yahay gardarro iyo duullaan qaawan oo ka dhan ah gobanimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa yiri, “Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo (Shacabka) in ay naga go’antahay difaaca dalka. Taako ka mid ah Barrigeena, Baddeena iyo Cirkeena laguma soo xad gudbi karo. Waji kasta oo sharci ah ayaana ku difaaceynaa”,
Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay xeer ka kooban 7 qodob oo lagu burinayo heshiiskii is-afgradka Badda ee Magaalada Addis Ababa ku dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka hor jeediyay Labada Gole ayaa yiri ” Cid awood u leh in dhulka Soomaaliya cad ka mid ah ay bixisaa ma jirto. Awoowayaasheen ayaa diiday, aabbayaasheen ayaa diiday, hooyooyinkeen iyo ayeeyayaasheen ayaa diiday, anagaa intaan noolnahay hadda diidnay”.
Dhaqdhaqaaqyada Diblomaasiyadeed
Dowladda Soomaaliya waxa ay ka dalbatay Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iskaashiga islaamka, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo saaxibada kale ee daneeya xasiloonida Gobolka iyo Caalamkaba iyaga oo ilaalinaya xeerarka ay ku dhisanyihiin gudanayana waajibka loo aas-aasay in ay garab istaagaan xaqa Dowladda Soomaaliya ee ilaalinta midnimadeeda dhuleed kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay kusoo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan waxaa uu telefoon kula hadlay hoggaamiyayaasha Masar iyo Qatar, isaga oo la socodsiiyay xaaladda kusoo korortay Gobolka, halka Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu kulan la qaatay Madaxweynaha Kenya, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda gobanimada Soomaaliya.
Dunida Carabta: Midnimada Soomaaliya waa lama taabtaan
Ururka Jaamcadda Carabta, Baarlamaanka Carabta iyo Wasaaradda Dibadda Masar ayaa dhammantooda soo saaray War-murtiyeedyo ay xoojinayaan taageerada ay u hayaan madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay Jaamcadda Carabta ayaa lagu yiri, ” Jaamacadda Carabtu waxa ay si buuxda u garab taagan tahay go’aankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo waxba ma-jiraan ka dhigay heshiiskii 1-dii January 2024 ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland kaas oo ka dhigan xad gudub lagu sameeyay madax-bannaanida, minimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale shuruucda caalamiga ah”.
Baarlamaanka Carabtu waxa uu ugu baaqay Itoobiya in ay joojiso fara gelinta ay ku heyso arrimah gudaha Soomaaliya, waxaana lagu yiri qoraal kasoo baxay, ” Baarlamaanka Carabtu waxa uu si buuxda u diiday isku dayga ka dhanka ah qaranimada, madaxbanaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Itoobiya inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadi’da deris wanaagga, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha iyo in ay joojiso faragelinta arrimaha gudaha Soomaaliya, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilooni Gobolka”.
Qoraalka ayaa intaas ku daray in amniga iyo qaranimada Soomaaliya ay qeyb muhiim ah ka yihiin amniga Dunida Carabta.
“Baarlamaanka Carabta waxa uu xaqiijinaya in amniga, xasiloonida iyo xormeynta qaranimada Soomaaliya ay qeyb muhiim ah ka yihiin amniga Carabta, waxaana garab taaganahay tillaabooyinka sharciga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ay ku ilaalineyso xasiloonideeda iyo qaranimadeeda dhuleeda oo dhan”.
Dowladda Masar waxa ay si cad u muujisay taageerada ay heyso Soomaaliya, waxeyna ku baaqday in la ixtiraamo midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Dibadda Masar ayaa lagu yiri, ” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar waxa ku adkeysaneysaa in ay lama huraan tahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya, isla markaana ay ka soo horjeedo tallaabo kasta oo keeni karta in ay wiiqanto qaranimada Soomaaliya”.
Mareykanka: Waxaan aqoonsanahay xudduuda Soomaaliya ee 1960
Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa Warbaahinta u sheegay in walaaca ay la wadaagaan Dowladaha kale ee Caalamka, isaga oo caddeeyay in Mareykanku aqoonsanyahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo la eegayo xudduudii 1960-kii.
Matthew Miller ayaa yiri, “Waxaan walaaca la qabnaa saaxibadeena kale, si aan u muujino halista xiisadaha ka taagan Geeska Afrika. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay galaan wadahadal diblomaasiyadeed. Mareykanka waxa uu aqoonsanyahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda 1960-kii.”
Midowga Yurub: Hala ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya
Midowgaya Yurub oo arrintaan walaac ka muujiyay ayaa soo jeediyay in la ixtiraamo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyada oo la dhowrayo qawaaniinta caalamiga.
Warka Midowga Yurub ayaa u dhignaa sidaan ” Midowga Yurub wuxuu jecel yahay inuu xasuusiyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo la qaddarinayo dastuurkeeda, axdiyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.”
Midowga Afrika: Somaliland waa qeyb ka mid ah Soomaaliya
Qoraal kasoo baxay Midowga Africa ayaa lagu sheegay in Guddoomiye Moussa Faki uu ka walaacsanyahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay wada saxiideen Itoobiya iyo maamulka isku magacaabay Somaliland oo caalamku u aqoonsan yahay qayb ka mid ah Soomaaliya.
Guddoomiyaha aya xusay in loo baahanyahay in la ixtiraamo midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-banaanida buuxda ee dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya.
Si kastaba aha ahaate xiisadaan kusoo korortay Geeska Afrika ayaa loo arkaa in ay noqon doonta caqabad kale oo kusoo biirtay caqabadihii hore u heystay Gobolka, waxeyna saameyn ku yeelan doonta nabadda, xasiloonida iyo horumarka dhinacyada kala duwan.