Monday, November 25, 2024

Axmed Madoobe oo sii dheereystay muddada hoggaaminta Jubaland

Kismaayo (Dawan)- Doorashada madaxweynaha Jubaland ee sanadka 2024 ayaa maanta si rasmi ah uga dhacday magaalada Kismaayo, waxaana mar kale guuleystay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo muddo dheer soo xakumayay Jubaland. Doorashadan ayaa ahayd tii saddexaad ee uu Axmed Madoobe ku guuleysto tan iyo markii dhidibada loo taagay Dowlad Goboleedka Jubaland, taasoo muujinaysa xoojinta saameyntiisa siyaasadeed iyo hoggaamineed ee maamulkaas.

Musharraxiinta Tartamayay iyo Natiijada Codbixinta

Doorashada, waxaa ku tartamay afar musharrax, kuwaas oo kala ahaa:

  1. Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) – Madaxweynaha xilka hayay , oo ah musharraxa ugu cad caddaa kuna guuleystay doorashada .
  2. Feysal Maxamed Mataan – Siyaasi ka mid ah musharraxiinta tartamaysay.
  3. Dr. Cabdi Xasan Xajiin – Siyaasi isku soo taagay xilka , balse ka baxay tartanka kahor inta aysan bilaaban codbixintu.
  4. Abubakar Cabdi Xasan – Siyaasi kale oo ku jiray tartanka, inkasta oo uu helay codad aad u yar.

    Golaha Wakiilladda Jubaland oo gaaraya 75 xildhibaan ayaa codkooda dhiibatay, iyada oo uu Axmed Madoobe helay 55 cod, halka Feysal Maxamed Mataan uu helay 16 cod, waxaana 4 cod kaliya helay Abubakar Cabdi Xasan.

    Guusha Axmed Madoobe iyo Mustaqbalka Jubaland

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Axmed Madoobe uu ku guuleystay xilka madaxweynaha Jubaland ee shanta sano ee soo socota. Guushaan ayaa sii xoojineysa awoodda iyo saameynta Axmed Madoobe ee siyaasadda Jubaland iyo guud ahaan dalka maadaama ay mucaaradku hadda u arkaan inuu garab u noqon karo.

    Axmed Madoobe ayaa horay u ahaa madaxweyne Jubaland tan iyo markii la dhisay maamulkii ugu horeeyay , waxaana lagu dhaliilaa inaan lagula tartami karin hoggaaminta iyo siyaasadda Jubaland taas oo keentay in ay isku dhacaan had iyo jeer dowladda Federaalka.

    Dib u doorashada Axmed Madoobe ayaa wajahaysa caqabado xoog badan , maadaama dowladda federaalka Soomaaliya ay si cad u muujisay diidmada ay ka qabto qaabka doorashada ee Jubaland. Villa Somalia ayaa u aragta doorasahda dadba ee maanta ka dhacday Kismaayo inay ka hor imaanayso hannaanka hal qof, hal cod oo ah habka ay dowladdu dooneyso in dalka laga hirgeliyo sanadka soo socda. Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kasoo jeeda Jubaland horayna saaxib ula ahaa Axmed Madoobe ayaa si cad uga digay qabashada doorashooyinka iyadoo aan la raacin hannaanka doorashada ee guud ahaan dalka, taasoo keentay khilaafyo siyaasadeed oo xiriirka la isagu jaray

    Saameynta Khilaafka

    Khilaafkan siyaasadeed ayaa saameyn ku yeelan kara xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Jubaland iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka, in kasta oo Axmed Madoobe uu ballan qaaday inuu wadahadal la geli doono madaxda dowladda si xal looga gaaro arrimaha la isku maan dhaafsanyahay.

    Puntland oo ay horay uga goosatay Villa Somalia iyo mucaaradka ayaa u arka dib u doorashada Axmed Madoobe fursad kale oo ay cadaadis ku saari karaan hoggaanka dowladda, si ay qeyb uga ahaaadaan go’aanada masiiriga ah ee la doonayo in wax looga beddelo hannaankii doorashooyiinka ee soo socday 20kii sano ee lasoo dhaafay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here