Thursday, September 19, 2024

Baaqa Doxa oo looga horyimid heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

Doxa (Dawan)- Magaalada Doxa ee dalka Qatar, waxaa shalay lagu soo gabagabeeyay kalfadhigii saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, Waddamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed loogu magac daray Baaqa Doxa.

Baaqa Doxa waxaa lagu caddeeyay in la taageero dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madaxbanaanida Soomaaliya ee dhulka, badda iyo hawadaba, iyada oo laga amba qaadayo axdiyada caalamiga ah.

Dowladaha Baaqa soo saaray ayaa sheegay in ay wada shaqayn iyo taageero buuxda la garab taagan yihiin mowqifka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay “Heshiiskii is-afgaradka” ahaa ee 1/1/2024 ee ay wada saxiixdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland, waxeyna ku tilmaameen heshiiska waxba kama jiraan, aan la aqbali karin.

Baaqa ayaa lagu yiri, “Heshiiskaas waxa uu ka dhiganyahay xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Baaqa Doha ee ka soo baxay gunaanadka Madasha ayaa lagu muujiyay diidmada heshiiskaas iyo natiija kasta oo ka dhalata haddii ay ahaan lahayd mid siayaasadeed, mid ganacsi ama mid ciidan.

Dowladaha soo saaray Baaqa Doxa ayaa ku booriyay dhammaan dalalka caalamka inay cambaareeyaan sidoo kalena diidaan heshiiskaas oo sida ay sheegeen ah mid lagu abuurayo qalqal amni oo ka dhan ah xeebaha Soomaaliya, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo Madasha ka jeediyay khudbad ayaa sheegay in Itoobiya ay usoo tafaxeydatay in ay farageliso arrimaha gudaha ee Soomaaliya si ay u qalqal u geliso ammaanka iyo xasiloonida.

Wasiirku ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta heshiiskaas, isaga oo sheegay inuu saameyn ku yeelan doono amniga dalalka Carabta, gobolka iyo guud ahaan caalamka, wuxuuna ku baaqay in go’aan adag laga qaato ajendaha Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here