Friday, October 18, 2024

Baaqa Masar iyo Soomaaliya ee kulankii Asmara

Asmara (Dawan)- Baaqa dowladaha Masar iyo Soomaaliya ee kulankii Asmara,  10-ka Oktoobar, 2024

 Anagoo ah  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan ku kulannay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya 10-kii Oktoobar 2024, waxaana ku heshiinnay qodobbada soo socda:-

1-In la xaqiijiyo midnimada, madax-bannaanida iyo  wadajirka dhamaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lana diido tallaabooyinka hal dhinac ah ee  halista  ku ah midnimada iyo madax-bannaanida dowladnimo.

2- Horumarinta xoojinta wada shaqaynta iyo isku xirka  labada dal ee Masar iyo Soomaaliya si kor loogu qaado awoodda dowladnimada Soomaaliya heerarkeeda kala duwan si loo waajaho caqabadaha gudaha iyo dibaddaba. In ciidanka  Qaranka Soomaaliyeed la gaarsiiyo awoodda ay uga hortegi karaan argagixisada noocyadeeda kala duwan iyo ilaalinta soohdimaha  berriga,  badda iyo midnimada dhulka.

3- Soo dhaweynta go’aankii Golaha Ammaanka ee tirsigiisu ahaa 2714 (2023) ee  Soomaaliya looga qaaday  cunaqabateynta hubka. Waxaa  la bogaadiyay  hogaaminta madaxweyne Xasan Sheekh ee dhisidda  ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyada oo la  xoojinayo awooddooda si ay u hantaan sugidda amniga dalka oo dhan iyo ilaalinta kheyraadkiisa.

4- Bogaadinta  bayaankii  kasoo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ee ku saabsanaa diyaargarowga  amni ee muddada ka dambaysa howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo billaabida Howlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo la raacayo qorshaha  Soomaaliya ee ka tarjumaya baahiyaheeda  iyo arrimaha mudnaanta u leh wejiga xiga ee dadaallada lagula  dagaallamayo  argagixisada, iyadoo xoogga la saarayo xuquuqda Soomaaliya ay u leedahay in ay go’aamiso hannaanka, hawlaha iyo waqtiga howlgalka iyada oo lala kaashanyo  Guddiga Midowga Afrika, waxaana lasoo dhaweeyay ka qaybqaadashada Masar ciidamada howlgalka AUSSOM.

5- Taageeridda baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan saaxiibbada caalamka in ay bixiyaan dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo  taageerada caalamiga ah ee dadaalka Soomaaliya iyo Afrikaanka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya kaas oo  looga golleeyahay xoojinta amniga gobolka iyo kan caalamiga ah . Iyada oo arrintan lag duulayo waxaa la xoojiyay muhiimadda ay leedahay in howlgalka  Afrika uu taageero dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan dhisidda iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda, si la mid ah  dadaallada howlgalka ee  ciidamada iyo amniga, iyadoo la ballan-qaadayo taageerada  dhammaan hay’adaha dowladda, lana waafajinayo arrimaha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya .

6 – In Soomaaliya loo ballan qaaday in loo fidin doono dhammaan garab istaagga ay u baahantahay mudda xileedkeeda kursiga aan joogtada ahay ee  Golaha Ammaanka ee 2025-2026, maadaama ay matalayso  qaaradda Afrika.

7- Xoojinta iskaashiga iyo kawadatashiga labada  geesoodka ah ee arrimaha  khuseeya caqabadaha gobolka, caalamka iyo arrimaha danta guud

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here