Monday, September 16, 2024

Baaqashada kulanka Golaha shacabka iyo warbaahinta oo la dul dhigay amar cusub

Muqdisho (Dawan)- Kulani Golaha Shacabka ee lagu ballansanaa maanta oo Sabti ah ayaa baaqday, waana markii seddexaad oo xariir ah oo ay baaqdaan kulamada Golaha.

Lama shaacin sababta keentay baaqashada kulankii maanta balse inta abdan Kulamada Golaha Shacabka ayaa u baaqda kooram la’aan ama xiisad siyaasadeed oo jirta.

Dhanka kale, shalay waxaa warbaahinta lagu wargeliay in la mamnuucay wareysiyadii ay ka qaadi jireen xildhibaanada marka uu soo dhamaadaan kulamada Golaha Shacabka

Farriinta loo diray warbaahinta ayaa u qorneed sidaan; ” Dhamaan warbaahinta ka howlgasha Golaha Shacabka waxaa lagu wargelinayaa in la mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabanayo gudaha xarunta Golaha Shacabka oo uu ku jiro banaanka Hall-ka Golaha, sidoo kalena la mammuucay in halkaasi wareysiyo lagu qaado”

Tillaabadaan ayaa timid iyada oo maalmihii ugu dambeeyay ay jireen xildhibaano warbaahinta isku mariyay eedeymo kala duwan kadib markii ay isku khilaafeen joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya iyo kuwa Masaarida ee la filaayo inay kusoo biiraan ciidamada nabad ilaalinta ee imaanaya sannadka cusub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here