Thursday, September 19, 2024

Baarlamaanka Carabta: Amniga Soomaaliya waa qayb ka mid ah amniga Carabta

Qaahira (Dawan)- Caadil bin Cabdiraxmaan Al-Casoumi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, ayaa xaqiijiyay in amniga Soomaaliya uu qayb ka yahay amniga guud ee wadamada Carabta, taas oo keeneysa in laga hortago isku day kasta oo lagu faragelinayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa ku celiayay mowqifka Baarlamaanka Carabta ee uu ku diidayo in xadgudub lagu sameeyo madax-bannaanida iyo wax kasta oo wiiqi kara wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Baarlamaanka Carabta kadib markii Guddoomiyaha iyo safiirka Soomaaliya ee Qaahira ay kawada hadleen xaaladda gobalka.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay dagaalka ay Soomaaliya kula jirto ururka Al-shabaab iyo dadaallada kale ee lagu doonayo in lagu hormariyo adeegyada bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here