Monday, September 16, 2024

Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay qorshaha ciidamo loogu dirayo Soomaaliya

Ankara (Dawan)- Baarlamaanka Turkiga ayaa maanta meel-mariyay qaraarkii Madaxwenye Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, u gudbiyay Isbuuci hore si loo ogolaado in ciidamada Turkiga la geeyo badda Soomaaliya.

Sida uu qaraaarku dhigayo ciidamada Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageeraya howlaha lagu xaqiijinayo ammaanka, la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga khataraha kale, muddo laba sano ah oo lasii cusbooneysan karo.

Qaraarku waxaa uu dhigaya in Turkigu sii wadi doono howlaha tababarrada, taakuleynta iyo wadatashiga si loo sugo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyadoo laga duulayo heshiisyada ay galeen labada dhinac.

Dib u habeynta ciidamada difaaca iyo amniga Soomaaliya iyo sidii loo xaqiijin lahaa in ay awood u yeeshaan la dagaalanka argagixisada, ayaa ka mid ah qodobada uu dhigayo qaraarka la ansixiyay.

Qaraarka waxaa ku cad in dowladda Soomaaliya ay ka codsatay Turkiga taageero ballaaran oo la siinayo ciidamada qalabka sida si ay awood ugu yeeshaan iska caabinta kooxaha argagixisada, burcad badeedda, falalka tahriibka iyo khataraha kale ee soo wajihi kara.

Falcelinta Soomaaliya

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed nuur ayaa soo dhaweeyay in Baarlamaanka Turkigu ansiyiyo qaraarka ciidamo loogu soo dirayo xeebaha Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay tillaabo lagu hirgelinayo heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhaxmaray Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray; “Turkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo keliya xasilinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan iskaashi muujinaya sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo khataraha kale”.

Waxa uu intaas ku daray in dadaalkani uu muujinayo ka go’naanshaha labada dhinac ee Soomaaliya iyo Turkiga wax ka qabashada caqabadaha jira, loona dhiso mustaqbal barwaaqo u leh Soomaaliya iyo gobolka.

Khibradda Turkiga ee ilaalinta xeebaha

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan la wareegtay markii todobaad hoggaanka howlgalka ciidamada caalamiga ah ee xeebaha Somaaliya iyo gacanka Cadmeed ka ilaaliya faalalka la xiriira burcad-badeednimada.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay Brazail kala wareegtay hoggaanka hawlgalka caalamiga ah ee ilaalinta xeebaha Somaaliya iyo gacanka Cadmeed, iyada oo hoggaanka hayn doonta ilaa 22 January 2025.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Turkiga uu horay usoo qabtay hogaanka howlgalka ciidamada isku dhafka ah muddo lix jeer ah taas oo muujineysa khibradda ay u leedahay dowladda Turkigu howlaha nuucaan oo kale.

Tan iyo 25-kii February, 2009-kii, ciidamada badda ee Turkiga waxay ka qayb-qaateen hawlgallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo burcad-badeedda gobolka.

Howlgalkan oo ka kooban ciidamo isku dhaf ah ayaa la aas-aasay bishii February ee sannadkii 2002, iyada oo loogu tala galay in looga hortago falalka burcad-badeedka iyo argagixisada ee biyaha Bariga Dhexe, Afrika iyo Koonfurta Aasiya, oo ay ku jiraan Badda Cas, Gacanka Carabta. Gacanka Cadmeed, Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya.

Walaaca Somaliland

Somaliland ayaa si adag uga hortimid qorshaha Turkigu ku doonayo inuu ciidamo ugu soo diro xeebaha Soomaaliya si loo hirgeliyo heshiisyadii uu la galay Soomaaliya ee baaritaanka shidaalka iyo difaaca.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu cadeeyay inaan ciidamo ka socda Turkiga aysan imaan karin xudduudaha ay maamusho Somaliland, iyada oo la ilaalinayo madax-bannaanideeda dhuleed.

“Tillaabo kasta oo hal dhinac ah oo ka timaada dibadda, sida ujeedka la sheegay in ciidamada badda ee Turkigu ay ka hawl-galaan aagga badda Somaliland, waxay ka dhigan tahay xad-gudub weyn oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xuquuqda madaxbannaanida Somaliland” ayaa lagu yiri; war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Somaliland

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in falalka caynkaas ah ay wiiqayaan xasilloonida gobolka, kana horimaanayaan nabad ku wada noolaanshaha dowladaha deriska ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here