Friday, September 20, 2024

Balcad: Ma jiraan ciidamo Masaari ah oo jooga Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa caddeeyay inaysan jirin ciidamo Masaari ah oo hadda ku sugan Soomaaliya, iyada oo maalmihi lasoo dhaafay la isla dhexmarayay inay Muqdisho soo gaareen ciidamo ka socda Masar.

Cali Balcad ayaa yiri, xilli uu wareysi siinayay TV-ga Aljazeera ee laga leeyahy Qatar; ” Ilaa iyo hadda ma jiraan ciidamo ka tirsan milateriga Masar oo jooga Soomaaliya”

Wasiirka ayaa dhanka kale qiray inay Soomaali ka heshay Masar saanad ciidan iyo hub kala duwan iyada oo hubkaas ay dowladdu u adeegsan doonto dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab ” Waxaan Masar ka helnay hub, waxaana u isticmaaleynaa hadda in aan dalkeena uga difaacno ururada argagixisada”.

Mar la waydiiyay inuu ka walwal qabo in Soomaaliya ay noqoto goob ay ku hardamaan dowladaha Masar iyo Itoobiya ee uu ka dhaxeeyo khilaafka wabiga Nile, ayuu sheegay inaysan Soomaaliya noqon doonin garab loo adeegsado in lagula dagaalo dal kale laakin ay eeganayso oo kaliya danaheeda ku dhisan ilaalinta qaranimadeeda iyo xudduudaheeda ” Suurtagal ma ahan in khilaafka Masar iyo Itoobiya loosoo raro Soomaaliya”

Cali Bacad waxa uu tilmaamay kaalintii ay Masar ka qaadatay dagaaladdii ay Soomaaliya la gashay gaar ahaan dagaalkii 1977, wuxuuna hoosta ka xariiqay haddii ay timaado baahi la mid ah tii xilligaas inay ciidamada Masar ka sugayaan taageero ” Waxay naga caawisay (Masar) dagaalkii aan la galnay Itoobiya ee 1977-kii, haddii ay dantu keentana waxaan u baahanahay taageerada ciidanka Masar”

Inti uu wareysiga socday, waxaa wasiirka la waydiiday tillaabada ay qaadi doonto Soomaaliya haddii Itoobiya ay aqoonsato Somaliland, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in arrintaas ay ka dhigantahay ku dhawaaqid dagaal ” Haddii ay Itoobiya aqoonsato (Somaliland) waxay ka dhigantahay inay ku dhawaaqday dagaal” Intaas waxa uu raaciyay “Soomaaliyana waxay leedahay ciidamo ku filan oo difaaca dhulkeeda” .

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda waxa uu caddeeyay in Soomaaliya aysan gor-gortan ka geli doonin midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo Itoobiya ku eedeeyay inay sameysay xad-gudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.

Balcad ayaa yiri; “Haddii ay Itoobiya isku daydo inay kusoo duusho dhulka Soomaaliyeed, Soomaaliya isma saaran doonto gacmaha, waxaana xaq u leenahay inaan difaacno nafteena iyo dalkeena”

Masar ayaa ah dowladda kaliya ee caddeysay inay Soomaaliya difaaci doonto haddii ay dhacdo in lasoo weeraro, waxeyna labada dowladood dhawaan kala saxiixden heshiis ku saabsan iskaashi dhanka difaaca ah, tillaabaas oo ka careysiisay Addis Ababa oo Qaahira u aragta cadaw kusoo dhawaaday xudduudeeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here