Saturday, September 21, 2024

Banaadir: In ka badan 35 kun oo arday oo u fariisatay imtixaanka fasalka 8-aad

Muqdisho (Dawan)-  Arday gaareysa 35,307 ayaa maanta oo Isniin ah u fariisatay Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga Dhexe ee Gobolka Banaadir.

Imtixaanka ayaa socon doona ilaa Khamiista soo socota, iyadoo halkii maalin ay ardaydu geli doonaan laba maaddo.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si rasmi ah u daah furay imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir, isaga oo ardayda u rajeeyay guul iyo natiijo wanaasgan, wuxuuna kula dardaarmay kormeerayaasha, ilaaliyaasha imtixaanka iyo agaasinka waxbarashada in loo dhimriyo aradayda.

Ardyada u fariisatay imtixaanka dusgsiga Dhexe ayaa isagu jirta 19,766 wiil iyo 15,541 gabdhood, kuwaas oo wax ku barta 656 dugsi oo ku yaal Gobolka Banaadir, waxaana imtixaanka lagu gelaya 93 xarumood.

Sida uu sheegay Maamulka Gobolka Banaadir, waxaa imtixaanka ka qayb qaadanaya arday qabta baahiyaha gaarka ah kuwaas oo tiradoodu gaareyso 41 arday.

Dhanka Ammaanka iyo xasiloonida goobaha lagu gelayo imtixaanka, waxaa loo diyaariyay in ay sugaan askar gaareysa 1500 oo Boliis ah.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sannadkii 5-aad qaadaya imtixaanka dugsiga Dhexe ee fasalka 8-aad kadib daadejintii lagu sameeyay nidaamka iyo maamulka Dowlad Goboleeyada iyo Gobolka Banaadir ee dhanka waxbarashada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here