Sunday, September 22, 2024

Bangiga Adduunka oo $90 milyan ku taageeray Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- Golaha Sare ee Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay $90 milyan oo dheeri ah oo lagu maalgelinayo Mashruuca Geeska Afrika ee Waddada Dhaqaalaha Goboleedka Jabuuti.

Maalgelintan cusub ayaa taageeri doontaa dadaallada ballaarinta maalgelintii hore ee $70 milyan, taas oo la meelmariyay December 2021, si loo xoojiyo isku xirnaanta gobolka, adkeysiga, hagaajinta amniga saadka iyo adeegyada gaadiidka ee isku xira Jabuuti iyo Addis Ababa.

Mashruucani oo ah hindase ballaaran lana billaabay sanadkii 2019kii, waxa loogu tala galay inuu qayb ka qaato isku xirka iyo is dhexgalka gobolka Geeska Afrika, waxaana ka faa’iideysan doona Jabuuti, Eretria, Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Maalgelintani waxay sidoo kale taageeri doontaa dadaallada lagu doonayo in kor loogu qaado hufnaanta, hagaajinta, maamulka iyo dayactirka saddexda qaybood ee Waddada Koonfureed. Waxa kale oo ay maalgelin doontaa hawlaha loogu talagalay in lagu taageero fududaynta dhaqdhaqaaqa gaadiidka si kor loogu qaado is-dhexgalka gobolka iyo in la siiyo kaalmo farsamo dowladda Jabuuti.

Ousmane Dion, oo ah guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, ayaa yiri; “Maalgelintan dheeraadka ah waxa ay Jabuuti ka caawin doontaa in ay sii xoojiso ganacsiga Jabuuti ee heer gobol ah iyo hagaajinta xaaladda nololeed ee dadkeeda”

Mashruucani ayaa sidoo kale qayb ka qaadan doonaa dadaallada dowladda Jabuuti ugu jirto ka mira dhalinta hiigsiga 2035-ka, kaas oo ujeeddadiisu yaha in la helo ilo dhaqaale oo kala duwan iyo kobcinta is-dhaxgalka bulshada.

Muhiimadda ay leedahay goobta istaraatiijiga ah ee Jabuuti dhacdo oo ah isgoysyada waddooyinka ganacsiga ee gobolka ayaa aad u sii korotay tobankii sano ee la soo dhaafay. Dekedaha Jabuuti ayaa qayb wayn ka qaata ganacsiyada isaga goosha gobolka Geeska Afrika, Badda Cas, Badda Carabta, Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, iyaga oo bixiya adeegyo dhameystiran oo la jaan qaadaya hannaanka ganacsiga adduunka.

Dhankiisa, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Jabuuti, Ilyaas Muuse , yaa yiri; “Waxaa naga go’an in aan kasoo baxno hoggaaminta mashruucaan, waxaana sii wadi doonnaa maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha si aan uga mira dhalino horumarka iyo is-dhexgalka heer gobol”

Howlaha Bangiga Adduunka ee Jabuuti

Howlaha Bangiga Adduunka ee Jabuuti wuxuu ka kooban yahay 19 mashruuc oo qiimahoodu dhan yahay $401.3 milyan, kuwaas oo diiradda saarayaa waxbarashada, caafimaadka, badbaadada bulshada, tamarta, horumarinta reer miyiga iyo magaalooyinka, casriyaynta maamulka dowladda, horumarinta dhijitaalka ah, xoojinta maamulka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyada oo xooga la saarayo haweenka iyo dhalinyarada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here