Thursday, September 19, 2024

Bangiga Adduunka oo Jabuuti ka taageeraya hal-abuurka dhallinyarada iyo haweenka

Jabuuti (Dawan)- Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee Baanka Adduunka ayaa booqday Xarunta Hal-abuurka iyo Ganacsiga ee Jabuuti, taasoo qayb ka ah dadaallada uu Baanku ku doonayo inuu wax uga qabto horumarinta iyo kor u qaadista mashaariicda dhallinyrada Jabuuti.

Intii ay booqashada ku guda jireen, wafdigu waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay dhalinyaro hal-abuurayaal ah oo ka shaqeynaya mashaariic teknoolojiyadeed, tamarta la cusboonaysiin karo, iyo adeegyada dijitaalka ah iyadoo dhalinyarada ay soo bandhigeen hindisahooda, tilmaamayna fursadaha iyo caqabadaha ay la kulmaan.

Grossman, oo ka socda Baanka Adduunka, ayaa sheegay in ay dib u xaqiijiyeen ballanqaadkooda taageerida mashaariicda lagu dhiirigelinayo hal-abuurka iyo abuurista shaqo ee dhallinyada

Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti ayaa ka muujiyay rajo wanaagsan ballanqaadka Bankiga, isagoo sheegay in booqashadan ay xaqiijinayso in Baanka Adduunku uu aqoonsaday dadaallada tababarka xirfadeed ee dalka.

Jabuuti waxay isku dayeysaa in ay door muhiim ah ka qaadato horumarinta dhaqaalaha, hal-abuurka, teknoolojiyadda cusub, iyo awood-siinta haweenka iyo dhalinyarada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here