Monday, September 16, 2024

Bangiyada iyo Shirkadaha Isgaarsinta oo iska fogeeyay inay “faa’iido-wadaag” ku yihiin canshuurta gadista

Muqdisho (Dawan)- Midowga Bangiyada iyo Shirkadaha Isgaarsinta oo qoraal wadajir ah soo saaray maanta ayaa sheegay in aysan jirin cid ay kula shirkoobeen (Dowladda Soomaaliya) ama ay faa’iido-wadaag kula noqdeen, ama ay hadda kula yihiin canshuuraha laga qaado ama horay looga qaaday shakhsi ama ganacsi.

Arrinkaan ayaa imaanaya kadib warar ay ganacsatada gobolka Banaadir isla dhex marayeen todobaadyadii la soo dhaafay oo sheegayay in qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiintu dowladda kala hadleen in qoondo laga siiyo lacagaha canshuuraha ah ee ay ganacsatada ka soo xareeyaan maadaama lagu tiirsan yahay qalabkooda iyo nidaamkooda tiknoolojiyadda.

“Bangiyada iyo Shirkadaha Isgaarsinta Soomaaliyeed waxa ay caddeynayaan in aanay jirin cid ay kula shirkoobeen ama ay faa’iido-wadaag kula noqdeen, ama ay hadda kula yihiin canshuuraha laga qaado ama horay looga qaaday shakhsi ama ganacsi”. Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Canshuurta gadista ee ah %5 ayey dowladda Soomaaliya hirgelisay 18-kii bishii August ee dhamaatay kadib go’aan muran badan dhaliyay.

Dhanka kale uruka AS ayaa bangiyada iyo shirkdaha isgaarsiinta uga digay ka qeyb noqoshada qorshaha ay dowalddu casnhuurta gadista uga qaadeyso ganacsatada, dhanka kalana ganacsatada u digay, iyada oo laga baqayo inay abuurto in ganacsatada lacagtooda kala baxaan bangiyada taas oo uu abuuri karta “Bankrupt”.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here