Sunday, September 8, 2024

Beesha caalamka oo walaac ka muujisay xiisadda Puntland

Garoowe (Dawan)- Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa walaac looga muujiyay xiisadda ka taagan Puntland gaar ahaan abaabulka ciidan ee ka jira magaalada Garoowe.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed” ayaa lagu yiri, Baaqa Beesha caalamka.

Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa magaalada Garoowe laga dareemay dhaq-dhaqaaqyada ciidamada kala raacsan Maamulka iyo Mucaaradka kuwaas oo sameysanayay dhufeyso cusub, taas oo keentay in dadka qaarkood ka qaxaan magaalada.

Baaqa Beesha caalamka ayaa la raaciyay ” Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka”.

Baaqaan ayaa kusoo beegmaya maalmo uun kadib markii ay Ergayaga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing booqasho ku tagtay magaalada Garoowe si ay ugu qanciso madaxda Puntland xallinta khilaafaadka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka Puntland.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen Catriona Laing iyo Siciid Cabdullahi Deni ayay ku dhawaqday in Deni uu diyaar u yahay in uu la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si ay uga wada hadlaan, isla markaana xal waara looga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Puntland.

Puntland waxaa ka tagaan khilaaf xooggan oo ka jira qaabka loo qabanayo doorashada Wakiilada iyo Madaxtinimada soo socota, iyada oo Maamulka jira uu rabo inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, halka Mucaaradku ay leeyihiin suurta gal ma ahan in xilligaan la qabto doorasho ay dadweynuhu toos uga qeyb qaataan.

Mucaaradku waxa ay ku eedeeyeen Deni inuu doonayo muddo kororsi iyo inuu Puntland u horseedayo xasilooni darro, waxeyna soo saareen jadwal doorasho oo ka duwan jadwalkii Guddiga Doorashooyinka.

Isimida Puntland oo isku dayay in ay xal u helaan khilaafka ayaan weli wax natiijo ah ka gaarin.

Baaqa kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa muujinaya cabsida laga qabo in khilaafka siyaasadeed ee Puntland isku beddelo gacan ka hadal saameyn ku yeesha xasiloonidii deegaanka iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here