Sunday, September 8, 2024

Biden oo isaga haray tartanka madaxtinimada Mareykanka

Washington (Dawan)- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay inuu isaga haray tartanka madaxtinimo ee doorashada soo socota, isagoo yiri, “Go’aankan waxa uu faa’iido u yahay xisbigayga iyo dalkayga.”

Go’aanka Biden ayaa kusoo beegmaya afar bilood ka hor inta aanay dadka Mareykanka ah u dareerin doorashada, waxeyna saamayn ku yeelan doonta siyaasadda xisbiga Dimuquraadiga iyo guud ahaan siyaasadda dalka Mareykanka.

Todobaadyadii lasoo dhaafay qaar ka mid ah saaxibadiisa ugu dhaw ayaa cadaadis ku saarayay Joe Biden inuu isaga haro tartanka kadib markii uu awoodi waayay inuu dood xooggan la galo Donald Trump dhamaadkii bishii June.

Biden ayaa ku yiri, bayaan lagu daabacay bartiisa X: ” Waxay ahayd sharaftii iigu wayneed ee nolosheyda inaan u adeego dadka Mareykanka, aniga oo ah madaxweyne”

Waxa uu intaas ku daray; ” Inkasta oo aan damacsanaa in aan mar kale isu soo taago xilka madaxtinimo, hadana waxaan aaminsanahay in ay dani ugu jirto xisbigayga iyo dalkaygaba in aan isaga haro, oo aan diirada saaro oo kaliya in aan guto waajibaadkayga madaxweynanimo inta ka hartay muddo xileedkayga”.

Biden ayaa bogaadiyay ku xigeenkiisa Kamala Harris, isaga oo ku tilmaamay inay tahay saaxib wanaagsan, oo buuxin karta booska uu banneeyay, wuxuuna ballan qaaday inuu toddobaadka soo socda jeedin doono khudbad uu si faahfaahsan uga hadlayo arrimahan iyo tillaabada xigta.

Falcelinta Trump

Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ahna musharraxa xisbiga Jamhuuriga, ayaa ka falceliyay go’aanka Biden, wuxuuna ku tilmaamay inuusan awoodin inuu madaxweyne noqdo.

Trump ayaa yiri; ” Joe Biden kuma habboonayn inuu u tartamo madaxweyne, xaqiiqdina ma ahayn qof wax qaban kara, waligiisna muu ahayn!”

Wuxuu intaas ku daray: “Waxa uu madaxweynaha ku noqday warar been abuur ah. Dhammaan dadka ku xeeran oo ay ka mid yihiin dhakhtarkiisa iyo warbaahinta way ogaayeen in uusan awoodin in uu madaxweyne noqdo.”

Trump wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey, in dadka Mareykanku ka dhaxli doonaan madaxtinimadii Biden dhibaatooyin badan balse waxa uu ballan qaaday inuu si degdeg ah u xallin doono dhibaatooyinkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here