Saturday, September 21, 2024

Biixi: Itoobiya bad bay rabtaa, anaguna aqoonsi baan doonaynaa

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi ayaa caddeeyay inay Itoobiya siinayaan bad maadaama ay u aqoonsanayso dowlad madaxbannaan, taas oo ah arrin ay raadinayeen in ka badan soddon sano. Sidaas waxa uu ku sheegay wareysi uu siiyay TV-ga Al-Carabiya.

Nuxurka heshiiska

Biixi waxa uu sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay hesho marin badeed, halka Somaliland ay muhiim u tahay inay noqoto dal la aqoonsanyaahy, sidaasna ay ku heshiiyeen in dhinac kasta uu helo waxa uu doonayo.

“Waxaan saxiixnay heshiis is-afgarad ah. Dowladdu (Somaliland) waxay mudnaan siineysaa sidii ay uga mira dhalin leheed danaheeda qaranimo iyo sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah. Itoobiya iyadu waxaa mudnaanta koowaad u leh sidii ay u heli leheed marin badeed. Kulan ayaan ka yeelanay, aan arrintaas uga wada hadalnay , sida aan sheegayna muhiimadeenu waxay tahay in la aqoonsado dowladdeena, diyaar ayaana u ahayn inaan siino marin badeed hadddii ay aqoonsadaan dowladnimadeena”

Madaxweynaha Somaliland ayaa intaas ku daray in heshiiskaas uu yahay mid dan u ah gobalka marka la eego dhinacya badan ” Waxaan aaminsanahay in heshiiskani uu noqon doono mid dan u ah Geeska Afrika marka la eego dhinacyada amniga, xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ganacsiga”

Midnimada iyo kala taggu waa arrin u taal Soomaali

Muuse Biixi waxa uu Masar ku eedeeyay inay kasoo horjeedo gooni isu taagga Somaliland, iyada oo waxkasta u samaynayasa sidii ay u taageeri leheed midnimada Soomaaliya. Arrintaas waxa uu ku tilmaamay mid aan caddaalad ku dhisnayn iyo faragelin ay Masar ku samaynayso khilaaf u dhaxeeya Soomaali.

“Walaaca Amniga ee Madaxweynaha Masar, waxa uu cid kasta u sheegay inasyan aqbali doonin in Somaliland ka baxdo midnimadii (Soomaaliya) , waxa uuna caddeeyay inay midnimada Soomaaliya ku taageeri doonaan waxkasta, taasna ma aha caddaalad. Arrintan waa qaddiyad u dhaxeysa Soomaaliya iyo Somaliland”

Waxa uu raaciyay; “Waxaan u aragnaa in dowladda Masar ay ka soo horjeedo gooni isu taagga Somaliland, taasna aqbali mayno

Dadka Somaliland waxay taageersanyihiin heshiiska

Biixi waxa uu wareysiga ku sheegay inaysan jirin cid kasoo horjeedda ama xisbi siyaadeed oo ka hor yimid heshiiskii is-afgaradka ahaa ee uu la galay Abiy Axmed, wuxuuna arrintaas ku sababeeyay in dadka Somaliland doonayaan madaxbannaani iyo aqoonsi caalami ah.

Bal eeg muwaadiniinta Somaliland, aqlabiyadda ugu badan waxay u hanqal taagayaan madax-banaanideenna. Ma jiraa xisbi weyn oo ka horyimid heshiiska is-afgaradka? Ma maqashay siyaasi caan ah ama wariye jooga Somaliland oo ka soo horjeesaday heshiiska is-afgaradka ah? Waxaan dhammaanteen isku raacsannahay in heshiiska is-afgaradku uu yahay mid dani ugu jirto dalkeenna”

Halkee ku dambeysay midnimadii Soomaaliya?

Dhanka kale, Biixi waxa uu su’aal hordhigay dowladaha ku mideysan ururka Jamaacadda Carabta ee maraksta baaqyadooda kusoo dara inay taageersanyihiin midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxa uuna yiri; ” Sida aan la socono wadamada Carabta intooda badan marka ay yeelanayaan kulamada ururka Jaamacadda Carabta waxay taageeraan midnimada Soomaaliya, balse halkee ku dambeysay midnimadii Soomaaliya ee 1960?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here