Wednesday, November 13, 2024

Biixi..Maxaad ka taqaan m/w Somaliland soo xakumay 7 sano ee doonaya 5 kale ?

Hargeysa (Dawan)- Muuse Biixi Cabdi, Maxaad ka taqaan madaxweynaha Somaliland soo xakumay 7 sano ee doonaya 5 kale?

Nuxurka

Goorta dhalashada: 1948

Waxbarashada: Korneyl  ciidamada cirka ah

Shaqada: madaxweynihii 5-aad ee Somaliland

Inkasta oo uu soo xakumayay Somaliland todobadii sano ee lasoo dhaafay hadana  Biixi wuxuu hiigsanaya  in loo doorto  shan sano ee dheeraad ah balse waa kuma Korneylkaan beri ka mid ahaan jiray ciidamadii cirka ee Soomaaliya?

Barbaarkii iyo howlihii ciidamada

Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu dhamaadkii 1940 meeyadii ku dhashay miyiga magaalada Hargeysa.

Billowgii noloshiisa, wuxuu kusoo qaatay miyiga, isaga oo ahaa Geel-jire kadibna wuxuu usoo wareegay magaalada halkaas oo uu ka bilaabaay safarka waxbarashadiisa.

Wareysiyo uu horay u siiyay warbaahin kala duwan wuxuu ku sheegay inuu waxbarashadisa asaasiga ah kusoo qaatay magaalooyiinka Hargeysa iyo Borama kadibna wuxuu  biiray ciidmadii cirka ee Soomaaliya.

Waxa uu ka mid ah saraakiil tababar loogu qaaday  dalkii la oran jiray Midowgii Soviet ee hadda ah Ruushka billowgii  1970 meeyadii.

Soo dhamaysashadii tababarka kadib wuxuu ka howlgeli jiray saldhigyadii ciidamada cirka ee Balli-doogle, Baydhabo iyo caasimadda  Muqdisho.

Horaantii 1980 meeyadii waxa uu fursad kale u helay inuu aqoon korosi la xiriira ciidamada u aado dalka Mareykanka isga oo soo qaatay tababaro kala duwan oo dhanka ciidamada cirka ah.

Ka goosashadii dowladda iyo ku biiridii jabhaddii SNM

Dagaalkii Soomaaliya ay la gashay Itoobiya 1977 kadib  waxaa abuurmay Jabhado ka biya diidaana siyaasaddii  Maxamed Siyaasd Barre, waxayna keentay in Biixi uu  ka mid noqdo saraakiil ka goosatay dowladda kuna biirtay jabhadihii kasoo  horjeeday.

Biixi wuxuu ku biiray jabhaddii SNM ee xilligaas xarunteedu ahayd Itoobiya, isaga oo  ka mid noqday hogaamiyaashii dhanka dagaalka u qaabilsaana

Markii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu madaxweyne ka noqday Somaliland, waxaa Muuse loo dhiibay wasaaraddii arrimaha gudaha.

Waddadii  madaxtinimada Somaliland

Curashadii axsaabta siyaasadda ee Somaliland kadib, wuxuu uu ka mid noqday guddigii fulinta ee xisbiga Kulmiye, kadib waxaa loo doortay guddoomiye kuixigeenkii  kowaad ee xisbiga sannadkii 2008.

Tillaabo  kale ayuu kor u qaaday, waxaana sannadkii 2015 kii loo doortay guddomiyaha xisbiga iyo murashaxii madaxweynaha taas oo keentay inuu gaaro guushiisii ugu weyneed ee dhanka siyaaddda oo ay ahayd inuu noqdo madaxweynihii shanaad ee Somaliland. 

Biixi iyo Xisbigiisa Kulmiye  waxay ku doodayaan inay ka khibrad badanyihiin xisbiyada ee kula loolamaya madaxtinimada marka ay timaado maamulka Somaliland. 

Xisbiya Kulmiye ayaa ah xisbiga kaliya ee 2 mar ku guuleysatay doorashooyinka madaxtinimada  kuwaas oo kala ahaa 2010 iyo 2017, waxa uuna u halgamaya markii seddexaad inuu xajisto xukunka kuna guuleysto mar kale. 

Biixi waxa uu sameeyay ballan qaad  la xiriira dhamaystirka howlo badan oo qabyo u ah sida ictiraaf raadinta iyo billaabida kuwa cusub oo daboolaya baahiyaha ka jira xilligaan Somaliland.

Dadka  aan la dhacsanayn siyaasadda Biixi waxay ku eedeeyaan in todobadii sano ee uu talada hayay inay Somaliland ka dhaceen  arrimo  waawayn sida daggaalladii ugu dambeeyay ee Sool, khilaafaadkii doorashada, xariga wariyayaal badan   iyo go’aano culus sida bad ku bedelashadii aqoonsiga Itoobiya oo aan weli dhamaystirmin .

Makula tahay in  Kulmiye xajisan doono kursiga madaxweynaha oo la dooran doono 5 sano oo dheeraad ah?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here