Friday, October 18, 2024

Biixi oo cafis u fidiyay maxaabis kor u dhaafaysa 300

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka 1446-ka awgii cafis u fidiyay Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee ku jirta xabsiyada kala duwan ee Somaliland.

Maxaabiista loo fidiyay cafiska ayaa gaaraya ilaa 377 maxabuus kuwaas oo hore loogu riday xukun maxkamadeed kadib marki ay galeen dambiyo kala duwan.

“Waxaan Go’aansaday; in laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 377 (Saddex Boqol iyo Toddoba iyo Toddobaatan) maxbuus, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka ee 1446 awgeed” ayaa lagu yiri; wareegto uu soo saaray Muuse Biixi

Wareegtada ayaa lagu cadddeeyay in cafiskan uusan saamayn ku lahayn xuquuqda madaniga ah, sida ku xusan qodobka 92-aad ee Xeerka Ciqaabta Guud, waxaana lagu amray hay’adaha ay quseyso inay fuliyaan iyaga oo raacaya liiska Maxaabiista Wareegtada ku lifaaqan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sidaan oo kale cafis u fidiyay Ciidul Fidrigii lasoo dhaaafay 548 maxabuus kuwaas oo hore loogu riday xukun maxkamadeed oo kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here