Thursday, September 19, 2024

Biixi oo daah-furay imtixaanaadka shahaadiga Somaliland

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada Sare iyo Siddeedaad ee dugsiyada Hoose Dhexe oo maanta si rasmi ah u bilaawday.

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada Sare iyo kuwa Hoose/dhexe waxa guud ahaan sannadkan u fadhiistay 38489 Arday, kuwaas oo kala ah 15542 Arday oo dugsiyada Sare ah iyo 22947 Arday oo dugsiyada Hoose/Dhexe ah, waxana lagu gelayaa 129-goobood oo ku kala yaal deegaanada Somaliland.

Muuse Biixi ayaa imtixaanaadka ka daah-furay dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee Hargeysa isaga oo ardayda u qaybiyey nuqullada imtixaanku ka kooban yahay, wuxuuna tilmaamay in imtixaanku yahay jaranjaro nololeed oo badiba dadku soo maraan.

Biixi ayaa yiri; ” Dhammaantiin waxa aan idiin rajaynayaa inaad ku guulaysataan hamigiina waxbarasho. Imtixaanka ujeedkiisu waa qiimayn, waxa la idinka doonayaa niyad-wanaag, degenaan iyo calool-adayg inaad ku gashaan imtixaanka. Dhammaantiinna waad guulaysan doontaan”

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay inay ka xafiis ahaan xil weyn iska saareen ilaalinta nuqullada rasmiga ah ee imtixaanka, islamarkaana kalsooni buuxda ku qabaan hannaanka uu imitxaanku u qabsoomayo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here