Monday, September 16, 2024

Billoow ilaa dhamaad: Jadwalka doorashada Somaliland oo la shaaciyay

Hargeysa (Dawan)- Komiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray Jadwalka Maalmaha Mucayinka ah ee Doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada Somaliland ee la filaayo in la qabto 13 November 2024.

Jadwalka ayaa lagu caddeeyay in 12-ka bisha August la qaban doono liiska xisbiyada iyo ururada siyaasadda ee doonaya inay tartanka doorashada ka qayb galaan, iyada oo bisha xigta 12-keeda ay Xisbiydu soo gudbin doona masharraxiintooda u taagan xilalka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Billowga bisha October waxaa loo asteeyay in la gudaha galo ololaha doorashada, waxaana lasoo afjari doona 10-ka bisha November.

Dadweynaha Somaliland ayaa u dareeri doona doorasahda subaxnimada 13-ka bisha November, sida lagu muujiyay jadwalka

Isla bishaas 20-keeda ayaa la mudeeyay in lasoo saari doono natiijada kumeel gaarka ee doorashada madaxtooayda iyo xisbiyada, waxaana maalinta ku xigta loo gudbin doona Maxkamadda Sare.

Horaantii bishii March ayay ahayd, markii Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu saxiixay wax ka bedelka lagu sameeyay xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwan gelinta codbixinta iyo xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasadda.

Doorashada ayaa ka dhici doonta dhammaan gobolada ay ka koobantahay Somaliland ee lixda ah kuwaas oo kala ah Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil , Togdheer,  Sool, iyo Sanaag, waxaana xaq u leh inay codkooda dhiibtaan dad gaaraya 1, 227,48 qof, sida aan kasoo xiganay Komiishanka Doorashooyinka

Dadka ugu badan waxa ay ka codeyn doonaan gobolka Maroodi-jeex, iyada oo lagu sheegay tirada xaqa u leh in ay codkooda dhiibtaan 497,734 oo qof, halka dadka ugu yar ay ka codeyn doonaan gobolka Sool, iyada oo loo sababeeyay in Somaliland aysan gacanta ku haynin deegaano badan oo ka tirsan gobolkaas.

Haddii ay dhacdo doorashadan xilliga la muddeeyay, waxay soo af-jari doontaa khilaaf siyaasadeed oo hareeyay Somaliland labadi sano ee lasoo dhaafay, kaas oo saameyn ku yeeshay dhinacayda horumarka amniga iyo siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here