Thursday, September 19, 2024

Boliiska: 32 qof ayaa ku dhintay qaraxii xeebta Liido ee Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- in ka badan 32 qof ayaa ku dhintay, ku dhawaad ​​63 kalena waa ay ku dhaawacmeen, weerar ay rag hubeysan ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, habeenimadii xalay ee Jimcaha ahayd, sida uu sheegay afhayeenka Boliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qof uu isku qarxiyay xeebta oo ay ku sugnaayeen dad u joogay nasiino iyo damaashaad, kadibna ay soo galeen rag kale oo hubeysan kuwaas oo doonayay inay galaan mid ka mid ah maqaayadaha ku yaal xeebta, si ay uga dagaalamaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in goobta lagu dilay seddex ka mid ah kooxdi soo qaaday weerarka, iyada oo dhanka ciidamada amaanka ay soo gaartay qasaaro ah hal dhimasho iyo hal dhaawac.

Ciidamada amaanka ayaa ugu dambayn soo afjaray weerarkii lagu qaaday xeebta, waxeyna soo badbaadiyeen qaar badan oo ka mid ah dadkii ku go’doonsanaa goobta.

Dowladda ayaa toos farta ugu fiiqay kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda in ay ka danbeeysay qaraxa iyo weerarka xalay ka dhacay Muqdisho, waxayna tilmaamtay in kooxdu bartilmaameedsatay dad aan waxba galabsan oo xeebta ku sugnaa.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna tilmaamtay in weerarka ismiidaaminta ah ay la beegsadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Hoteel.

Nawaaxiga Xeebta Liido ayaa caan ku ah Hoteelo iyo Maqaayado waaweyn oo inta badan loo nasiino tago, waxaana horay uga dhacay weeraro sidaan oo kale ah.

Muddo sanado ah ayay dowladdu dagaal kula jirtay ururka Shabaab oo la aas-aasay horraantii sannadkii 2004-tii, waxaana laga saaray magaalooyin waawayn inaksta oo ay weli awood ku leeyihiin dhowr magaalo iyo dhulka miyiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here