Friday, October 18, 2024

Boliiska Jabuuti iyo qaadka maxaa kala haysta?

Jabuuti (Dawan)- Ciidamada booliska Jabuuti ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Cali Sabiix kusoo qabtay 5,000 kiilo oo qaad ah oo si sharci-darro ah lagu soo geliyay dalka sida ay sheegeen . Koontarabaankan ayaa la qorsheynayay in lagu iibiyo suuqyada gobolka Cali Sabiix iyo caasimadda Jabuuti.

Qaadkan oo si sharci-darro ah lagu soo dhoofiyay, ayaa ciidamadu goob fagaaro ah dab ku qabadsiyeen, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doona dadaallada ka dhanka ah badeecooyinka sharci-darrada ah.

Sidoo kale, booliska ayaa digniin u diray dhallinyarada dalka, iyagoo uga digay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara ka ganacsiga iyo isticmaalka badeecooyinka sharci-darrada ah.

Ciidamada booliska Jabuuti ayaa horey uga sameeyay tallaabooyin la mid ah, iyagoo horey u gubay badeecooyin sharci-darro ah iyo kuwo dhacay, taas oo ah tillaabo looga hortegayo ganacsiga aan waafaqsanayn nidaamka dalka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here