Sunday, October 27, 2024

Boliiska Kenya oo helay xog ku saabsan dilkii 3dii haween ee Soomaalida ahaa

Nairobi (Dawan)- Laamaha amniga iyo dambibaarsita Kenya ayaa sheegay inay heleen xog cusub oo ku saabsan afduubkii iyo dilkii loo gaystay hooyo, gabadh ay dhashay iyo mid ay habaryar u ahayd oo meydadkooda laga kala helay goobo kala duwan oo ka tirsan magaalooyiinka Nairobi iyo Machakos.

Xogta la helay waxaa ka mid ah gaari la rumeysan yahay in loo adeegsaday afduubkii iyo dilkii seddexdaas qof, iyada oo laga helay suuqa Ukulima ee ku yaalla deegaanka Kamukunji ee caasimadda Nairobi.

Sidoo kale, waaxda dambi baarista dalkaas ayaa macluumaad ka heshay haweeney Soomaali ah, taas oo ka sheekeysay arrimo ku saabsan qaabkii loo afduubtay haweenkaas kadibna loo dilay.

Waxyaabaha ay sheegtay waxaa ka mid ah in seddexdooda la isagu geeyay hal goob kadibna la waydiistay inay bixiyaan lacag madax furasho ah oo dhan hal milyan oo lacagta Kenya ah.

Lacagtaas ayay sheegtay in lagu shubay banki laga leeyahay dalka Itoobiya.

Booliska Kenya ayaa aaminsan in haweeneydan ay gacan ka gaysan karto in gacanta lagu soo dhigo shakhsiyaadkii ka dambeeyay falkii lagu dilay seddexdaas haween.

Sidoo kale, waxay laamaha amnigu dabagal ku hayaan farriimo ay is dhaafsadeen kooxdii ka dambeysay afduubka iyo dilka haweenkaas

Dhanka kale, waxaa baaritaan lagu bilaabay haweeney lala qabay hooyada la dilay taas oo dhawaan soo gaartay Kenya iyadoona dib ugu laabatay waddanka Ingiriiska oo ay ka timid markii hore.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here