Sunday, September 8, 2024

Boliiska oo gacanta kusoo dhigay dhowr qof oo lagu eedeyay dilka askari

Muqdisho (Dawan)- Boliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen afar qif oo lagu eedeyay in ay ka dambeeyeen dil loo geystay askari ka tirsan ciidanka xoogga Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Boliiska ayaa lagu yiri, “ Maantay oo Taariikhdu tahay 28/02/2024 Abaare 16:15 daqiiqo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Saldhigga Boliiska Deegaanka Garasbaaley, waxey gacanta kusoo dhigeen shabakad ka kooban 4 dhallinyaro ah kuwaas oo dilay Marxuum: Xasan C/Qaadir Ibraahim kana tirsanaay CXDS”.

Boliisku waxa ay intaas raaciyeen in dilka kadib ay billlaabeen baaritaano iyo howlgal lagu baadi goobayo shakhsiyaddii dila askariga, iyada oo ugu dambeyn gacanta lagu soo dhigay kooxdaan oo watay Mooto iyo laba Bastoolad.

Raggaan lasoo qabaty ayaa la horgeyn doona Hay’adaha sharciga si loo marsiiyo caddaaladda, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Boliiska.

Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa Magaalada Muqdisho dilal kala duwan loogu geystay dhowr qof, iyda oo gacanta lagu soo dhigay dad loo heysto dilalkaas halka kuwa kalena lagu daba joogo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here