Tuesday, April 22, 2025

Ciidanka Boolis Milataaro oo digniin u diray dadka dagan magaalada Muqdisho

Ciidanka Boolis Milataaro ayaa sheegay in dhul kasta oo loo isticmaalo falal amniga qaranka liddi ku ah, isla markaana aan lala soo wadaagin hay’adaha amniga, ay dowladda la wareegi doonto.

Taliyaha Ciidanka Booliska Milatariga Soomaaliya, Aadan Jeelle oo shalay ka hadlayey degmada Dayniile ayaa digniintaan u diray dadka degan magaalada isagoo sheegay in dhulkasto oo bannaan ama dhisan ee fal amaanbka liddi ku ah lagu geysto lagala wareegayo.

“Dhulka aad leedahay, hadduu yahay mid banaan oo geed yihuud ka baxay, guri aad leedahay, iyo geerish aad leedahay, haddii loo isticmaalo fal argagixiso oo amniga qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed naftooda iyo maalkooda liddi ku ah, dhulkaasi waxa uu ku wareegaa hay’adaha amniga,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Milatariga.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in haddii qofka uu arko dhulkiisa oo loo isticmaalayo falal waxyeelo u geysanaya amniga qaranka iyo shacabka, uu isla markaaba u wargeliyo hay’adaha amniga, si si degdeg ah wax looga qabto.

Wuxuu intaas ku daray in hay’adaha amniga ay masuuliyadda ka saarantahay in hadii la soo wergeliyo ay tallaabo ka qaadaan haday ka qaadi waayanna ay ayaga masuuliyadaas qaadayaan wixii ka dhasha.

Wuxuuna ka digay in haddii aan lagu soo wargelin arrimahaas hay’adaha amniga, dhulkaas loo arki doono mid la dayacay oo dowladda ay la wareegi doonto wax kasta eelagu geestana uu masuuliyadda qeyb ka qaadanayo qogfkii lahaa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here