Sunday, September 8, 2024

Booliska Soomaaliya oo xiray Generaal Sheegoow iyo ciidankiisa

Muqdisho (Dawan)- Booliska Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay soo xiraan Generaal Sheegoow Xasan Cali iyo ciidankiisa oo ilaa xalay dagaal kula jiray ciidanka xasilinta magaalada Muqdisho.

Dagaalka u dhaxeeyay ciidanka uu hoggaaminaayo Generaalka iyo ciidanka xasilinta Muqdisho oo xalay ka dhacay degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir ayaa geystay khasaare isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Af-hayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in lasoo qabaty Sheegoow iyo ciidan ka amar qaata, kuwaas oo rabay inay qalgal  geliyaan amniga  caasimadda , sida uu hadalka u dhigay.

Af-hayeenka ayaa intaas ku daray in Sheegoow  uusan ku jirin diiwaanka ciidanka Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay in gurigiisa hooy u ahaa shakhsiyaad dhac  iyo boob u geysta dadka.

Af-hayeenka ayaa xaqiijiyay in laba ka mid ah ciidanka ka amar qaata Sheegoow iyo hal askari ay ku dhinteen iska horimaadka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen sagaal kale.

Wararka dheeraadka ah ee aan heleyno ayaa sheegaaya in Sheegoow  hore uga tirsanaa xoogaga Al-shabaab, mar dhawna kasoo laabtay dalka dibaddiisa.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa hore usoo saaray qaraar lagu xakameynaayo  hubka culus si looga hortago amni xumada iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here