Friday, March 28, 2025

Maxay Tahay Ballanqaadka Midowga Afrika ee Soomaaliya?

 Soohoyde

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ballan qaaday in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada buuxda ee uu u fidinayo Soomaaliya muddada uu xilka hayo, isagoo sheegay in aysan jiri doonin wax hakad ah inta uu isagu xilka hayo.

Inta aan ahay guddoomiyaha Midowga Afrika, wax joogsanaya ma jiraan. Anaga oo ah Midowga Afrika, waan idin garab taaganahay, dadaalkana waan sii wadaynaa,” ayuu yiri Maxamuud, oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan maamuus ah u qabtay Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sheegay in Midowga Afrika uu marar badan garab istaagay Soomaaliya xilli ay ku jirtay marxalado adag. Wuxuu xusay in Soomaaliya aysan marnaba iloobi doonin kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika ka qaatay nabadeynta iyo xasilinta dalka.

Midowga Afrika wuxuu si muuqata noogu garab istaagay waqtiyadii ugu darnaa, doorkaas lama ilaawi karo,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in maanta ay jirto rajo ka wanaagsan tii hore, maadaama uu hogaanka qaaradda uu hayo qof si qoto dheer u yaqaanna Soomaaliya.

Maanta waxaa hoggaanka loo dhiibay nin Soomaaliyana yaqaan, duruufohooda fahmaya, xanuunka Soomaalida naftiisa uga soo shaqeeyay. Taasi waa fursad dheeri ah oo ummadda Soomaaliyeed ay heshay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dhankiisa sheegay in safarkiisa Muqdisho uu muujinayo muhiimadda ay Midowga Afrika siiso Soomaaliya, wuxuuna xusay in taageeradooda aysan ku imaan doonin wax hakad ah muddada uu xilka hayo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here