Sunday, September 8, 2024

Boqor Charles oo qiray xadgudubyo Kenya ka dhacay xilligii gumaysiga

Nairobi (Dawan)- Boqorka Ingiriiska, Charles III oo booqasho afar cishe ah ku joogo dalka Kenya ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay gabood-falladii lagula kacay dadkii Kenyaanka ahaa xilligii gumaysiga Boqortooyada Ingiriiska.
Boqorka ayaa qiray inaan qiil loo dayi karin qaabkii uu maamulkii gumaysiga ee Ingiriiska ula dhaqmay kenyaanka intii ay u halgamayeen xorriyaddooda.

In kasta uusan raalli gelin rasmi ah bixin, gabbood falladaas, sida ay doonayeen hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Kenya, haddana wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo dhibbanayaasha guumaysigii Ingiriiska isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in labada dhinacba ay iska kaashadaan xallinta waxyaabaha caddaalad darrada ah ee horay u dhacay.

Boqortooyadii Britain ayaa awood ku muquunisay kacaankii Mau Mau iyada oo geysatay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo lagu dilay in ka badan toban kun oo qof muddadii u dhaxeysay 1952 ilaa 1960.

Muddo dheer kadib, dowladda Britain ayaa ogolaatay 2013 inay magdhow siiso in ka badan shan kun oo Kenyaan ah, laakiin waxey dadka Kenyaanku ka sugayaan Boqorka inuu raaligelin rasmi ah ka bixiyo xadgudubyadii loo geystay.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya, oo ah Guddii madax-bannaan, ayaa yiri: “Waxaan ugu baaqaynaa Boqorka, isagoo ku hadlaya magaca dowladda Britain, inuu ka bixiyo raalligelin aan shuruud lahayn xadgudubkii bini’aadantinimada ka baxsanaa ee muwaadiniinta Kenya lagula kacay. intii u dhaxaysay 1895 iyo 1963 xilligii gumaysiga”.

Guddiga ayaa sidoo kale dalbaday in magdhow laga bixiyo dhammaan dadkii loo geystay xadgudubyada, waxeyna Madaxweynaha Kenya William Ruto usoo jeediyeen in uu mudnaanta siiyo arrimahaan inta uu ku guda jiro kulamada uu la leeyahay Boqorka.

Boqor Charles iyo xaaskiisa Camilla ayaa loo qorsheeyay in ay dalxiis ku tagaan magaalada xeebta ah ee Mombasa, si ay usoo arkaan deegaanka leh keymaha dabiiciga ah, waxeyna kula kulmi doonaan wakiilo ka socda hay’adaha diimaha ee Kenya.

Kenya waxa ay si gaar ah xasuus ugu leedahay taariikhda qoyska Boqortooyada, maadaama ay Elizabeth II joogtay Kenya markii uu dhintay aabbaheed, King George VI, kadibna ay ku fadhiisatay Carashiga Boqortooyada Britain.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here