Thursday, September 19, 2024

Boqortooyada Sacuudiga oo safiir u magacaawday Suuriya 12 sano kadib

Riyaad (Dawan)- Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, ayaa sheegtay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay u magacawday Faysal Bin Sacuud Al-Mujafal inuu noqdo Safiirka cusub ee u fadhi doona dalka Suuriya.

Faysal Bin Sacuud ayaa noqday safiirkii ugu horeeyay ee loo magacaabo Suuriya tan iyo markii uu go’ay xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay labada dal sannadkii 2012.

Bishii October ee la soo dhaafay, Sacuudi Carabiya iyo Suuriya ayaa ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, maalmo kadib markii Suuriya ay dib ugu laabatay ururka Jaamacadda Carabta.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sannadkan dib u furtay safaaraddeeda Dimishiq , iyada oo Suuriya ay dib u furtay safaaraddeeda Riyaad sannadkii hore, waxayna usoo magacawday safiir cusub bishii December.

Bishii May ee lasoo dhaafay, Amiir Maxamed Bin Salmaan, dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga iyo Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-asad ayaa yeeshay kulan looga hadlayay sidii dib u eegis loogu samayn lahaa xoojinta xiriirka labada dal, iyaga oo sidoo kale ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaaladda hadda ka taagan Bariga Dhaxe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here