Sunday, September 8, 2024

Bulshada Rayidka oo ka hortimid magacaabista Golaha Warbaahinta

Muqdisho (Dawan)- War-saxaafadeed kasoo baxay Dallada Bulshada Rayidka ee SONSA ayaa walaac looga muujiyay ansixintii ay Golaha Wasiirada ku magacaabeen shirkoodii 14 Maarso 2024 xubnaha Golaha Warbaahinta Qaranka.

“Bulshada Rayidka waxa ay aad uga xun tahay in markii labaad ay isku dayeyso Wasaarada Warfaafinta dhismaha Golaha Warbaahinta oo baal marsan xeerka warbaahinta waana nasiib daro weyn in aanan wax laga baran qaladaadkii hore loo galey ee sababey in Golaha Warbaahinta dhismi waayo” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka

Dallada Bulshada Rayidka ee SONSA ayaa tilmaamtay in hannaanka loo maray magacaabista Golahan ay ka hor imaaneyso xeerka warbaahinta qodobkiisa 14 firqooyinka 1-aad ilaa 6-aad, waxeyna ugu baaqday Guddiyada Warfaafinta ee Baarlamaanka Federaalka in ay ka hortagaan Golahaan sida sharci darada ah lagu soo dhisay .

Waxaa hore uga soo horjeesatay anisixita Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, Dalladda Badbaadada Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SMSJ) oo ah shabakad ay ku mideysan yihiin toddobo urur saxaafadeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay SMSJ ayaa lagu sheegay in hannaanka loo maray magacaabista Golahaan uu yahay mid hal dhinac ah oo gebi ahaanba ah gaar u ah dowladda, waxaana lagu sheegay war-saxaafadeedka in dhammaan xubnaha golaha cusub ee warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ay yihiin shaqaale dowladeed.

Maxay tahay Mas’uuliyadda Golaha Warbaahinta Qaranka ?

Mas’uuliyadda Golaha waxaa ka mid ah:

1- Ilaalinta anshaxa Wariyeyaasha ka shaqeeya Warbaahinta iyo ku dhaqanka xeerka Wabaahinta Soomaaliyeed
2- Xallinta khilaafaadka ka dhasha ku dhaqanka xeerkan.
3- Dhexdhexaadinta iyo xallinta gefafka laga tabanayo Warbaahinta dawladda iyo tan gaarka ah, marka laga reebo wixii fal-dembiyeed ah.
4- Abaalmarinta iyo anshax marinta Wariyeyaasha, tifaf-tiraha iyo mas’uuliyiinta xarumaha Warbaahinta.
Goluhu wuxuu ilaalinayaa standardka iyo horumarinta aqoonta wariyeyaasha iyo warbaahinta
5- Ka tala bixinta, siinta iyo kala noqoshada rukhsadaha hay’adaha warbaahinta
6- Xallinta cabashooyinka ka yimaada Wariyeyaasha, warbaahinta, hay’adaha kale iyo bulsho weynta marka laga reebo wixii fal-dembiyeed ah.
7- Diyaarinta iyo u gudbinta wasaaradda miisaaniyadda Golaha
8- xarunta Goluhu waa caasimada Muqdisho, waxayna xarumo ku yeelanaysaa magaalo madaxyada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here