Thursday, September 19, 2024

Bulshada Wajeer oo dhibaato ku qaba helitaanka dukumiintiyada muhiimka ah

Wajeer (Dawan)- Guud ahaan dadweynaha Wajeer ee Waqooyi-Bari Kenya ayaa cabasho ka muujiyay helidda dukumentiyada muhiimka ah ee aqoonsiga sharciga, sida aqoonsiga qaranka ee ID, baasaboorka, shahaadooyinka dhalashada, iyo dhimashada ee muwaadiniinta  Kenyaanka ah.

Guddiga madaxa bannaan ee arrimaha caddaaladda ee dalka Kenya ee Ombudsman ayaa Ismamulka Wajeer ka wada maalmahaan wadatashiyo ku saabsan caqabashadaan la soo gudboonaaday bulshada reer Wajeer

Wadatashiyadaan ayaa socon doono muddo todobaad ah, si xal loogu helo cabashooyinka badan oo ka soo yeeray  shacabka ku nool Gobolka Waqooyi-Bari ee ku aaadan helidda dukumentiyada muhiimka ah iyo  takoorka ay la kulman marka ay doonayaan in ay helan adeegyada.

Soomalida Kenyaanka ah ayaa inta badan la kulma caqabado waaweyn oo ay ka mid tahay dib u dhac weyn oo ku yimaada bixinta kaararka aqoonsiga iyo baasaboorka Kenya, xilliyada ay doonayaan in ay helaan aqoonsiyada muhiimka u ah nolosha shakhsiga.

Shuruudo adag oo mararka qaar lagu xiro marka ay u baahdaan dukumentiyada dhalashooyinka ayaa sidoo kale qeyb ka ah tabaashooyinka ay qabaan bulshada ku nool Wajeer

Dadka ku dhaqan Wajeer ayaa ah kuwa inta badan ku tiirsan dhaqashada xoolaha, iyaga oo hadba u guura meesha ay xooluhu ku noolaan karaan, taas oo ay keentay in ay carruurtoodu aysan ku dhalan isbitaalada, waxeyna la kulmaan dhibaato badan marka ay doontaan dukumentiyada shakhsiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here