Saturday, September 7, 2024

Burco oo ka badisay Hargeysa kuna guuleysatay koobka Horyaalada Somaliland

Berbera (Dawan)- Kooxdii ku ciyaareysay magaca Dawladda Hoose ee Burco ayaa ku guulaysatay Koobka Horyaalka Horyaaladda Somaliland kadib markii ay 3 iyo 0 ku garaacday kooxdii Asluubta ee Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa u hambalyeeyay kooxda ku guuleysatay koobka, isaga oo sidoo kale bogaadiyay hannaanka uu ku dhamaaday tartanka koobka Horyaalka Horyaallada Somaliland ee soo billaawday horrraantii bishii February ee dhamaatay.

” Waxa aan hambalyeynayaa Kooxda Kubadda Cagta ee Dawladda Hoose Degmada Burco ee ku guulaysatay Koobka Horyaalka Horyaallada Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa Kooxda Ciidanka Asluubta ee Kaalinta Labaad ka gashay Horyaalka iyo dhammaan kooxihii kala duwanaa ee ka qayb-galay Tartantanka Horyaalka Horyaallada Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qabsoomay magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera” ayuu yiri, Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa intaas raaciyay, “Ciyaaruhu waxa ay muhiimad weyn u leeyihiin is-dhex-galka dhalinyarada iyo la dagaalanka mukhaadaraadka, waxaana farxad ii ah in aynu horumar la taaban karo ka samaynay qaybaha kala duwan ee ciyaaraha iyo is-dhex-galka dhalinyarada”.

Magaalo xeebeedka Berbera ayaa markii labaad nasiib u yeelatay in ay marti geliso koobka Horyaalka Horyaalada Somaliland, kaas oo sanadkiisii seddexaad ka qabsoomay Somaliland.

Tartanka koobka Horyaalka Horyaalada Somaliland ayaa socday muddo 30 maalin ah, waxaana ka qeyb qaatay 22 kooxood oo kala metalaayay Magaalooyinka iyo Gobollada Somaliland.

Magaalada Hargaysa ayaa ahayd Magaalada ay ka imaadeen kooxaha uga badan ee ka qeyb galay tartanka,iyada oo ay metalayeen 6 koox. Min seddex kooxood ayaa metelaayay Magaalooyinka Burco, Berbera, Ceerigaabo, Gebiley, iyo Boorama , halka Caynaba ay ka socotay koox kaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here