Monday, September 16, 2024

Cabdirishiid Jilley oo laga qaaday xilkii uu ka hayay Villa Somalia

Muqdisho (Dawan)- Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley ayaa laga qaaday xilkii Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada kadib markii uu ka mid noqday xildhibaano taageero u muujiyay joogitaanka Itoobiya ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo loolanka Itoobiya iyo Masar ee Soomaaliya uu sii xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada” sidaas waxaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Xilkaan waxaa Cabdirishiid Maxamed Nuur loo magacaabay 1-dii April ee 2024

Qoraalka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka in ay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka, waxeyna Villa Somaalia tilmaamtay inay jirto halis ka imaaneysa dibadda taas oo ka dhan ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Qoraal uu saacado ka hor soo dhigay Xildhibaan Cabdirashiid bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in war-saxaafadeedka ay soo saareen xildhibaano uu ka mid yahay inay ku caddahay inay lama taabtaan tahay gobanimada iyo madaxbanaanida dhulka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa qoraalkiisa ku yiri; ” Anaga dhul, bad iyo bariba in lagu xadgudbo marabno, Ethiopiana taako dhulkeena iney qaataan marabno”

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray ” Qadiyadda Ethiopia ee dhul boobka ah Shalay awoowayaashey meesha ay ka taagnaayeen ayaan ka taaganahay maanta, cadow Soomaalina marna uma hiilinayno ee owrkacsiga halaga dhaafo shacabka”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here