Sunday, March 23, 2025

Somaliland iyo Taiwan oo Xoojinaya Xiriirkooda iskaashi

 Soohoyde

Somaliland iyo Taiwan ayaa shaaciyay inay si rasmi ah u xoojinayaan cilaaqaadkooda iskaashi iyo saaxiibtinimo, kaddib kulan rasmi ah oo labada dhinac ku yeesheen magaalada Taipei, caasimadda Taiwan.

Kulanka ayaa yimid xilli uu Wakiilka cusub ee Somaliland u fadhiya Taiwan, Amb. Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal), waraaqihiisa aqoonsiga si rasmi ah ugu wareejiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, Dr. Lin Chia-Lung.

War kasoo baxay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay si qoto dheer uga wadahadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, iyo tiknoolajiyadda. Danjire Galaal ayaa ku bogaadiyay  Taiwan kaalinta muuqata ee ay ka qaadato horumarinta dhaqaalaha Somaliland iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso hay’adaha dalka ee dhanka aqoonta iyo teknoolajiyadda.

Telefishinka ku hadla afka Somaliland ayaa isna baahiyay in Danjire Galaal uu Madaxweynaha Taiwan Lai Ching-te gaarsiiyay dhambaal rasmi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Dhambaalkan ayaa diiradda saarayay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dhinac.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, Lin Chia-Lung, ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay Taiwan in ay sii waddo kor u qaadista iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay Somaliland. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Taiwan iyo Somaliland ay wadaagaan qiyam ay kamid yihiin xasilloonida, dimuqraadiyadda, iyo halganka madax-bannaanida.

Somaliland iyo Taiwan waxay xiriirkooda diblomaasiyadeed si rasmi ah u bilaabeen sanadkii 2020, tan iyo markaasna waxay yeesheen iskaashi joogto ah oo ku saleysan danaha wadajirka ah, iyagoo si gaar ah isugu taageera arrimaha horumarinta iyo qaddiyadooda madax-bannaanida.

Taiwan ayaa in ka badan 70 sano ku jirta baadi-goobka aqoonsi caalami ah oo buuxa, halka Somaliland ay iyaduna muddo in ka badan 30 sano ah ku jirto halgan ay ku raadineyso madax-bannaanideeda kaddib markii ay 1991 dib ula soo noqotay xorriyaddii ay haysatay 1960.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here