Monday, September 16, 2024

Cali Balcad: Ma jiro kulan dhax maray Xasan iyo Ruto oo looga hadlay xiisadda badda

Muqdisho (Dawan)- Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa beeniyay in kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Kenya William Ruto ee khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay Nairobi looga hadlay arrimo la xiriira xiisadda ka taagan badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirku oo oo xalay marti ku ahaa Space-ka X ee Dawan Media  ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka wada xaajoodeen arrimaha quseeya laba dal oo kaliya, wuxuuna meesha ka saaray in la isla soo qaaday khilaafka badda ee soo billaawday 1-dii January 2024.

“Safarkaan uu hadda madaxweynuhu ku teagy Nairobi, wax lagu soo qaaday oo la xiriira MOU-ga iyo Itoobiya, haba yaaraate ma jirin. arrima kale oo labada dal ka dhaxeyo ayay labada madaxweyne ku ballameen” ayuu yiri, Cali Balcad.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khamiistii lasoo dhaafay safar shaqo ku tegay dalka Kenya, isaga oo dhiggiisa Kenya kala hadlay iskaashiga labada dal ee arrimaha amniga, xasilloonida gobolka iyo danaha Soomaaliya iyo Kenya, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Dowladda Kenya ayaa ka mid ah dowladaha ku howlan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dhanka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxeyna bilaawgi bishii March marti gelisay kulan aan toos ahayn oo ay ugu kala dab qaaday mas’uuliyiin ka kala socday Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulankaas ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan kadib markii labada dal ay ku heshiin waayeen qorshihii lasoo bandhigay, inkasta oo laga yaabo in kulamo kale ay dhacaan xilliyada soo socda.

Soomaaliya waxa ay hoos u dhigtay xiriirka diblomaasiyeed ee kala dhaxeeya Itoobiya kadib markii ay safiirka Itoobiya ku amartay inuu dalkiisa ku laabto, waxeyna sidoo kale kala soo noqotay safiikeeda magaalada Addis Ababa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here