Monday, September 16, 2024

Canshuurta gadista oo laga daayay daawada iyo adeegyada caafimaadka

Muqdisho (Dawan)- Marka qof bukaan ah uu qalliin galo oo lacagta qalliinku ku kacdo kun dollar, waa inuu dowladda siiyaa 50 doollar oo canshuur ah, haddii kale waa dembiile!

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayuu sharcigaan yaabka leh ka jiray Muqdisho, balse hadda waa laga laabtay.

Dowladda Federaalka ah ayaa shaacisay in ay meesha ka saartay canshuurta gadista ee 5% dhamaan xarumaha adeegga caafimaad bixiya ee magaalada Muqdisho kadib xiisad ka dhalatay maangalnimada in bukaanka la saaro canshuuro.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo ka hadlayay munaasabadda 103 sano guurada isbitaalka dowladda ee De Martino ayaa sheegay in dib u eegis ay ku sameeyeen go’aankooda ay ku ogaadeen inaan laga qaadin canshuurta gadista, inta abdan dalalka bariga Africa iyo kuwa saxaraha ka hooseeya.

Wasiirka ayaa yiri; “Waxaan idiin kugu bishaareynyaa in casnhuurta gadista aan ka joojinay isbitaallada”

Waxa uu Xaange intaas ku daray inay ka shaqayn doonaan hab-raaca looga reebayo isbitaallada canshuurtan.

Dawan TV ayaa fahansan in nidaamka laga qaadayo canshuurta gadista uu yahay mid loo marayo adeegyada lacag bixinta ay shirkadaha isgaarsiintu bixiyaan sidaas darteed ay waqti qaadan karto in la kala sooco shirkadaha bixiya adeegga caafimaad iyo kuwa kale, taas oo iyaduna noqoneysa caqabad farsamo oo muddo qaadan doonta.  

 

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here