Sunday, September 8, 2024

China oo wareejiyay maamulka wadada Tareenka ee Jabuuti iyo Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Lix sano kadib, Shirkadda Dhismaha waddooyinka Tareennada ee Shiinaha (CRCC) ayaa si rasmi ah ugu wareejisay dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya maamulka waddada tareenada ee isku xirta labada dal.

Munaasabadda wareejinta maamulka iyo mas’uuliyadda wadada Tareenka ayaa shalay ka dhacday magaalada Addis Ababa ee caasimdda Itoobiya iyada oo ay joogeen mas’uuliyiin ka kala socday labada dal iyo shirkadda hirgelisay mashruucan.

Shirkadda CRCC ayaa la wareegtay mas’uuliyada maaraynta waddadan 2018-kii, waxaana xusid mudan in dhiririka waddadaan uu gaarayo 750 kilomitir, taas oo kasoo billaabata Addis Ababa, kuna dhamaata dekedda Jabuuti.

Dhismaha wadada cusub ee Tareenada waxaa la bilaabay sannadkii 2011-kii, waxaana dhisay shirkadda China Railway Group Limited iyo China Civil Engineering Construction Corporation, oo labaduba ah shirkado ay leedahay dowladda Shiinaha, waxaana ku baxay lacag dhan 4 bilyan oo doolar.

70% kharashka lagu maalgeliyay mashruucan waxa bixiyay Shiinaha , halka 30% soo haray ay bixisay dawladda Itoobiya, iyada oo ay dowladda Jabuuti ku biirisay mashruuca $878 milyan.

Mashrucan ayaa loo arkayay mid istaraatiijiyad horumarineed ah oo qeyb ka qaadanaya kaabayaasha dhaqaalaha ee caalamiga ah, waxaana looga dan leeyahay in la fududeeyo isku xirka qaaradaha Aasiya, Afrika iyo Yurub iyada oo la adeegsanayo shabakadaha dhulka iyo badda.

Ujeeddooyinka kale ee laga leeyahay mashruucan waxaa ka mid ah horumarinta is-dhexgalka gobolka, kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Cabdi Zenabi, oo ah agaasimaha fulinta ee wadada tareenka ee isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti ayaa munaasabadda wareejinta mas’uuliyadda mashruca ka sheegay in adeegga Tareenku uu wax ka weyn ak bedelay dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee qaada badeecadaha isaga goosha labada dal, marka la eego waqtiga iyo tirada badeecaha, taas oo keentay kobac dhaqaale.

Tan iyo markii la hirgeliayay mashruucan, tareenka isticmaala wadaddan ayaa sameeyay 1,824 safar, iyada oo ay ka faa’iideysteen ku dhawaad 530,900 rakaab ah, iyo 6,133 safar oo xamuul ah isaga oo qaaday ku dhawaad 7,328,500 oo tan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here