Friday, September 20, 2024

Ciidamada dowladda oo burburin ka billaabay Dabdamiska

Muqdisho (Dawan)- Ciidamada dowlada ayaa subaxnimadii maanta burburin ka bilaabay xaafadda Dabdamiska ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Af-hayeenka Boliiska Soomaaliya, Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigii loo qabtay inay uga guuraan dadka deggan xaafadda Dabdamiska, taas oo keentay tillaabada ay ciidamadu qaadeen maanta

Af-hayeenka ayaa intaas ku daray in dadwaynihii degganaa xaafaddas ay u hogaamsanmeen amarkii dowladda ee ahaa in laga guuro Dabdamiska.

Qaar ka mid ah qoysaskii ku noolaa deegaanka Dabdamiska ayaa warbaahinta u sheegay in la dumiyay guryihii ay ku noolaayeen xilli ay jiifeen, waxeyna ugu baaqeen madaxda dowladda in la joojiyo howlgalka lagu duminayo gurayaha, iyaga oo intaas ku daray inaysan garanaynin meel ay aadaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here