Saturday, September 21, 2024

Ciidamada Eritrea oo lagu eedeeyay inay afduub ka gaysteen gobalka Tigray

Addis Ababa (Dawan)- Waxaa sii xumaanaysa xaaladda amni ee magaalada Zalambessa ee gobolka Tigray, iyada oo qaar ka mid ah dadka ku nool magaaladaas ay sheegeen inay soo badanayan afduubka loo gaysto dadka, gaar ahaan dhallinyarada.

Duqa magaalada Zalambessa, Berhane Berhe, ayaa u sheegay Addis Standard in falalka afduubka ee ka dhaca magaaladaas ay weli yihiin kuwo joogto ah, isaga oo ku eedeeyay ciidamada Eritrea, inay ka dambeeyaan amni xumada ka jirta magaalada.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya ay soo faarujiyeen laba todobaad ka hor deegaandi ay uga sugnaayeen magaalada Zalambessa taas oo saamayn ku yeelatay amniga guud ee gobalka Tigray.

Ku dhawaad ​​75% magaalada Zalambessa waxaa gacanta ku haya ciidamada Eritrea, halka 25% soo hartay ay maamulaan ciidamada Itoobiya, sida uu sheegay Duqa magaalada Zalambessa,

Ugu yaraan 50 dhallinyaro ah ayaa la waayay tan iyo markii ay jabhadda Tigray iyo dowladda Itoabiya kala saxiixdeen heshiiskii lagu joojiyay dagaalka ka socday gobalka, waxayna aaminsayihiin dadka deegaanku in ciidamada Eritrea ay afduubteen dhallinyaradaas

Sida dadka deegaanku sheegeen waxaa adag in la socdo xilliga habeenkii ah, iyada oo qof walba uu ku xaroodo gurigiisa 6-da galabnimo.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in dhibaato bini’aadantinimo oo aad u daran ay jirto, iyadoo ay aad u yar tahay in la helo waxyaabaha aasaasiga ah sida biyaha, korontada iyo caafimaadka.

Dolwadda Eritrea kama jawaabin eedeymaha mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya iyo dadka deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here