Friday, November 22, 2024

Cirro.. Guddoomiyihii wakiilada ugu muddada dheeraa ee baadi goobaya  madaxtinimada

Hargeysa (Dawan)- Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyihii golaha wakiilada ugu muddada dheeraa ee baadi goobaya  madaxtinimada Somaliland.

Nuxurka

Goobta / Goorta dhalashada; Hargeysa, 1955

Waxbarashada: Xisaabaadka

Shaqada: Aas-aasaha iyo hogaamiyaha xibiga Waddani

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ahaa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee Golaha wakiilada Somaliland, waana marki labaad ee uu isu soo taago kurisga ugu sarreeya Somaliland. Bal aan isla eegno sooyaalka  iyo khibraddiisa siyaasadeed.

Barbaar, waxbarasho iyo shaqooyinkiisi ugu horeeyay

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo ku magac dheer “Cirro” wuxuu ku dhashay  magaalada Hargeysa bartamihii 1950 meeyadii, isaga oo waxbarashadiisa asaasiga ah kusoo qaatay magaalooyiinka Burco , Berbera,  Hargeysa iyo  Sheekh.

Cirro, waxa uu haystaa shahaadooyin kala ah duwan oo la xiriira xisaadbaadka, Xallinta Khilaafaadka iyo shaaado sharaf PHD ah oo ay siisay jaamacad lagu magacaabo New Generation University,  sida ku qoran sooyaalkiisa nololeed ee lagu daabacay website-ka  xisbiga Waddani.

Intaas waxa u dheer inuu ku hadlo luqadaha Soomaaliga, Ingiriisiga, Carabiga, Raashiyaanka, iyo Finnish-ka.

Xilligi dowladdii dhexe waxa uu kasoo shaqeeyay hay’addii  horumarinta danwadaagaha ee Muqdisho., kadibna wuxuu ku  biiray wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Wax yar ka hor burburkii dowladdii dhexe waxa uu noqday sii hayihii  safaaradii Soomaaliya ee  dalka Ruushka.

 Burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib, waxa uu Cirro kusoo noqday Somaliland isaga oo ka qeyb-galay dadaalladdii  hormarinta siyaasadda iyo ganacsiaga.

Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa golaha wakiilada

Cirro, waxa uu ahaa siyaasiyiintii ugu horreysay ee dhidibadda u taagay nidaamka Xisbiyada badan ee Jamhuuriyadda iskeed isku magacaawday ee Somaliland kuwaas oo hana-qaaday sannadkii 2002dii, waxa uuna soo noqday ku xigeenkii  xoghayaha guud ee  xisbiga UCID.

Sannadkii 2005tii waxaa loo doortay xubin ka mid Baaralamaankii ugu horreeyey ee shacabku soo doortay.

Cirro waxa loo dooratay gudoomiyaha Golihii  Wakiilada ee lagu soo doortay markii ugu horeysay  cod dad-weyne, isaga oo noqday Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee Golaha intii ay Somaliland jirtay isaga oo maamulayay muddo 12 sano ah.

2dii August 2017 ayuu  iska casilay guddoomiyanimadii Golaha Wakiilada.

Cirro ayaa sidoo kale ah xubin sharafeed ka tirsan Golaha Guurtida ee Somaliland

Kadib markii uu khilaaf soo kala dhaxgalay hogaanka  xisbiga UCID waxa uu sanadkii 2012 ku dhawaaqay xisbiga Waddani ee uu mucaardka ah..

Dad badan ayaa aaminsan in xisbiga Waddani uu ku guuleysan karo doorashada madaxtinimada marka la eego guulihii uu kasoo hooyay doorashooyinkii ugu dambeeyay ee dhacay.

Cirro iyo xisbigiisu waxay ku gelayaan doorashada qorsha siyaasadeed oo ka kooban lix tiir oo ay ka mid yihiin  difaaca Somaliland, wax ka qabashada arrimaha bulshada iyo kor u qaadidda kaalinta haweenka iyo dhallinyarada

Makula tahay in Waddani uu hoggaanka Somaliland kala wareegi doono Kulmiye?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here