Tuesday, November 19, 2024

Cirro oo ballan qaaday inaan qof loo xiri doonin aragtidiisa siyaasadeed

Hargeysa (Dawan)- Madaxwaynaha la doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ballan qaaday inaysan jiri doonin qof loo dhibaateeyo aragtidiisa siayasadeed iyo fikirka uu qabo.

“Waxaan muwaadinka ugu bishaareynaya inay farxad iyo niyad wanaag ku heli doonaan xuquuqdooda oo ay u simanyihin. Calankooda hoostiisana ku mideysanaan doonaan iyaga oo aan dhibanne u noqonayn artagtidooda siyaasiga ah iyo afkaartooda shaqsiga ah” Sidaas ayuu Cirro ku sheegay khudbaddiisi ugu horeysay ee uu jeediyo kadib markii lagu dhawaaqay guushiisa.

Ciro ayaa sheegay inuu dadaal ugu jiro in uu xoojiyo xorriyadda ra’yiga iyo hadalka, isagoo tilmaamay in xukuumadda uu soo dhisi doono ay ka shaqeyn doonto abuurista jawi siyaasadeed oo xor ah, oo lagu ixtiraamayo xuquuqda aadanaha, isla markaana aan lagu bartilmaameedsan doonin ra’yiga mucaaradka ama saxaafadda.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay sannadihii u dambeeyay ay ka jirtay qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay xariga saxafiyiinta, qaar ka mid ah dadka magaca ku leh bulshada iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeday xukunka Muuse Biixi .

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, murashaxa xisbiga Waddani, ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha Somaliland , isaga oo helay 407,908 cod oo u dhiganta 63.92 % codadkii la dhiibtay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha komiishanka doorashooyinka, Muuse Xasan Yuusuf.

Cirro wuxuu noqday madaxweynihii 6aad ee Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu tagga sanandkii 1991.

Madaxweynihii xilka hayay ee Muuse Biixi Cabdi, oo ahaa murashaxa xisbiga Kulmiye, ayaa helay 225,519 cod (34.81%), halka murashaxa xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, uu helay codad ka yar 1%. Doorashadan ayaa sidoo kale keentay in xisbiga UCID, oo ka mid ahaa xisbiyada ugu da’da weyn Somaliland, uu waayo awooddiisii xisbinimo, maadaama uusan helin codad ku filan. Saddexda xisbi ee soo baxay uguna codadka badan waxay kala yihiin Waddani (216,284 cod), Kaah (131,507 cod), iyo Kulmiye (108,100 cod).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here