Monday, September 16, 2024

Mbappé oo ku wargeliyay PSG inuu ka tegayo dhamaadka xilli ciyaareedkan

Paris (Dawan)- Warbaahinta caalamka ayaa sheegtay in xiddiga reer France, Kylian Mbappé uu ku wargeliyay maamulka kooxdiisa Paris Saint-Germain inuu doonayo inuu ka tago dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoo aan caddeyn kooxda uu ku wajahan yahay.

Wakaalladda Wararka Ingiriiska ee (PA Media) ayaa ogaatay in aan weli la gaarin qodobbadii lagu heshiiyey ee bixitaanka cayaariyahanka, waxaana la filayaa in bilaha soo socda si rasmi ah loo xaqiijiyo qaabka ay ku kala tegayaan Mbappé iyo PSG.

Kylian Mbappé oo dalkiisa kula guuleystay Koobka Adduunka 2018, ayaa gaarsiiyay go’aanka bixitaankiisa saraakiisha ugu sarreysa kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain

Qandaraaska Mbappé ee Paris Saint-Germain ayaa dhacaya xagaagan, tan iyo kowdii bishii hore, wuxuu awooday inuu wadahadalo la yeesho kooxo kale.

25-sano jirkaan ayaa lala xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Xogta saxafadda ayaa sheegeysa in kabtanka xulka qaranka France uu wadahadalo ku aadan mushaarkiisa kula jiro kooxda Real Madrid iyada oo loo arko in ay tahay kooxda ugu cad cad in ay la saxiixato.

Kooxda Paris Saint-Germain iyo ciyaariyahanka midkoodna faallo rasmi ah ka bixin bixitaanka Mbappé .

Tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda PSG 2017 isagoo 18 jir ah, waxa uu Mbappé kula guuleystay koob kasta marka laga reebo Champions League, oo ay Bayern Munich ka qaaday 2020-kii.

Waxa uu ka tegi doonaa kooxdiisa Paris ka dib markii uu jabiyay tiro badan oo rikoor ah, gaar ahaan gooldhaliyaha ugu badan kooxda isagoo dhaliyay 222 gool.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here