Thursday, September 19, 2024

Colaad u dhaxeysa Soomaalida iyo Akamba iyo waddo muhiim ah oo xiran

Nairobi (Dawan)- Koox ku hubeysan baangado iyo fallaaro ayaa xirtay waddada isku xirta Bangal, Ukasi, iyo Garissa, taasoo sababtay argagax ku dhacey boqolaal rakaab ah kuwaas oo adeegsada waddada muhiimka ah ee isku xirta Garissa iyo Nairobi. Kooxdan ayaa waddada ku jaray dhagxaan, taasoo hakad gelisay safarka dadka ku sii jeeday Nairobi.

Xiisaddan ayaa loo aaneenayaa dagaallo ka dhashay iska hor imaad dhawaan dhexmaray qowmiyadaha Akamba iyo Soomaalida ee deegaanka Mandongoi, Kyuso, oo ku yaalla ismaamulka Kitui. Iska hor imaadkaas ayaa sababay dhimashada shan qof oo labada dhinac kala ah, dhaawacyo, iyo dhac loo geystay xoolo ay lahaayeen dadka deegaanka.

Rakaabka ka soo safra Garissa kuna sii jeeday Nairobi ayaa sheegay inay naftooda u cabsanayaan maadaama ay xaaladdu sii xumaan karto.

Boliiska ayaa sameeyay dadaalo lagu soo celinayo xasiloonida waddada, inkasta oo cabsi weli jirto. Culeyskan ayaa qeyb ka ah xiisadaha ka jira ismaamullada Kitui iyo Tana River, halkaasoo dagaallo goos-goos ah ay saddexdii sano ee la soo dhaafay ka dhex socdeen Soomaalida xoolo dhaqatada ah iyo qowmiyada Akamba.

Guddiga Qaran ee Isku-xirka iyo Is-dhexgalka Bulshooyinka Kenya (NCIC) ayaa si kulul u cambaareeyay rabshadaha ka dhacay xadka Kitui iyo Tana River, kuwaasoo galaaftay nolosha shan qof isbuuc gudihiis. Guddoomiyaha guddiga NCIC, Samuel Kobia, ayaa tacsi u diray qoysaskii dhibaatadu gaartay, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha ka socda deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa hadda dareemaya culeys ku saabsan xaaladda amniga, iyaga oo rajeynaya in dowladda ay qaado tillaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here