Monday, September 16, 2024

Congo oo rajaynaysaa inay hesho tallaalka mpox todobaadka soo socda

Congo (Dawan)- Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa rajaynaysaa inay hesho tallaakii ugu horeeyay ee cudurka mpox toddobaadka soo socda, ka dib ballan-qaadyo uga yimid Mareykanka iyo Japan si looga caawiyo wax ka qabashada cudurka ka dillaacay dalkaas, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo caafimad kadib markii uu cudurkan ka dillaacay markii labaad qaaradda Africa, iyada oo sidoo kale laga diiwaan geliyay dalal ka baxsan qaaradda sida Sweden iyo Pakistan.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii, wasiirka caafimaadka Congo, Samuel Roger Kamba Mulamba ayuu ku sheegay in Japan iyo Mareykanka ay u ballan qaadeen tallaalka lagula daggaalamayo cudurka Mpox. “Waxaan hadda dhameynay wadahadalladii aan la lahayn USAID. Waxaan rajeynayaa in isbuuca soo socda aan helno tallaalka” sidaas ayuu wasiirku u sheegay warbaahinta.

Helitaanka tallaaalkan ayaa la filaya inuu wax badan ka qabto sii faafidda cudurkaan ee qaaradda Africa oo aan haysanin tallaal ay isaga difaacdo sida Mareykanka iyo Yurub oo billaabay isticmaalka tallaalkan sannadkii 2022

Isniintii, Wasaaradda Caafimaadka, Shaqada iyo Samafalka Japan ayaa u sheegtay Wakaaladda wararka ee Reuters inay isku diyaarinayso inay Congo u dirto tallaalka mpox iyadoo la kaashanaysa Ururka Caafimaadka Adduunka.

KM Biologics oo fadhigeedu yahay Japan waa mid ka mid ah shirkadaha sameeya tallaalka mpox. Shirkadda Bavarian Nordic oo Denmark laga leeyahay ayaa iyaduna sameysa tallaal kale, oo loo yaqaan Jynneos.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here