Garoowe (Dawan)- Culimada Puntland ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Boosaaso waxay baaq nabadeed u direen beelaha ku dagaalamaya deegaannada hoos taga Qori-Lugud, iyagoo ku booriyay dhinacyada inay joojiyaan dagaalka dhiigga daadinaya.
Culimada ayaa ku tilmaamay dagaalkaas mid xaaraan ah oo aan waafaqsaneyn diinta Islaamka, waxayna ku baaqeen in laga baaqsado daadinta dhiigga walaalaha.
Culimada ayaa sidoo kale xusay in hadda uu yahay waqtigii ugu habboonaa ee laga hortagi lahaa colaadaha, maadaama shirarka iyo wadaxaajoodka ay caadiyan fursad u yihiin xalinta khilaafaadka, balse marar badan ay dhacdo in weerarro khasaaro badan dhalinaya ay ka dhacaan.
Culimada ayaa nasiib darro ku tilmaamay in baraha bulshada laga huriyo colaadaha, taas oo sii xumeysay xaaladda amniga, waxayna ku baaqeen in dhammaan dhinacyadu ay qaataan nabadda.
Waxay ugu baaqeen odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac in aysan baraha bulshada ku faafin hadallo kicinaya colaadda, iyagoo cambaareeyay dadka ku dhiirrigeliya dagaalka warbaahinta bulshada.
Baaqan nabadeed ee culimada Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli Khilaafka u dhexeeya SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayaa mar kale cirka isku shareeray, iyadoo labada dhinac ay isku eedeynayaan hurinta dagaalka iyo weerarrada ka socda deegaannadaas.