Sunday, September 8, 2024

Daadad xoogan ayaa barakiciyay kumanaan qoys oo ku nool magaalada Beledweyne

Hiiraan (Dawan)- Roob xoogan oo saacidihii ugu dambeeyay ka da’ay magaalada Beledweyne ayaa sababay in ay barakcaan kumanaan qoys kadib markii dadaad xoogan kusoo rogmadeen xaafadaha ay dadku degganyihiin.

Daadadku waxay si weyn u saameeyeen xaafadaha Kooshin iyo Xaawo-taako, iyada oo biyo xoogan ay kusoo fataheen Raadeerka, Kutiimbo, iyo Kalijibis.

Kumanaan qoys oo ku noolaa magaalada ayaa saaka oo Khamiis ah ka barakacay, iyada oo dadka qaarkood ay xalay billaabeen in ay isaga baxaan magaalada kadib markii ay biyo ugu soo galeen guryahoodi.

“Daadadka ayaa nagu qasbay inaan si deg-deg ah uga barakacno magaalada. Biya xoogan ayaa noogu soo galay guryaha waxeyna nagala tageen dhammaan alaabtii. Waxaan soo kaxeysanay oo kaliya carruurteeni” sidaas waxaa yiri, qof ka mid ah dadkii ay saameyntu soo gaartay.

Dadka ku nool magaalada ayaan xalay seexanin guryahoodi, waxaana jira dad tira badan oo xalay ku hoyday hareeraha waddooyinka magaalada Ceel-jaalle ee waqooyiga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waxaa sidoo kale jira cabsi xoogan oo laga qabo in Wabiga Shabeelle ee mara magaalada Beledweyne inuu sameeyo fatahaado maadaama uu buuxsamay.

Duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Beledweyne ayaa sidoo kale la sheegay inay hakad ku jiraan, kadib markii roobabkii ka da’ay gobolka ay saameyn ku yeesheen garoonka diyaaradaha.

Inta badan magaalada Beledweyne waxaa sannad kasta ka dhaca fatahaado iyo daadad xoogan oo geysta khasaara isagu jira naf iyo maal, mana jirto tillaabo muuqata oo ay qaadeen Maamulka gobolka, madaxda dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo dowladda federaalka oo wax loo qabtay dhibaatada kusoo noqnoqotay Beledweyne

Sanadkii hore, Xaaji Cismaan Dhagaxow ayaa iska casilay xilka Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka fatahaada Beledweyne, isaga oo sheegay in ay jirto habacsanaan ka dhalatay howlaha biyo xireenka Beledweyne iyo faragelin xad dhaaf ah oo lagu sameeyay howlihii loo igmaday Guddiga.

Sidoo kale, fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa sababay sannadkii tegay in ardayadii dugsiga Sare ee magaaladu geli waayaan imtixaankii shahaadiga ahaa, waxeyna mar kale u fadhiisteen imtixaanka 2 bilood kadib.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here